Duqa magaalada Malmø: Waxaan dalbanayaa in qof danbe oo soo galooti ah aan Malmø lasoo dajin

0
152
Katrin Stjernfeldt Jammeh

Sida uu qorayo wargeyska Aftonbladet, Duqa magaalada Malmø, haweeneyda lagu magacaabo Katrin Stjernfeldt Jammeh oo katirsan xisbiga Sosialdemokraterna ayaa dalbatay in hal qof oo soo galooti ah aan degmadeeda lasoo dajin sanadka 2018.

Warqad ay u qortay dowlada ayey ku sheegtay inaysan awood u heynin inay dib u dajin u sameeyaan qoxooti kale, maadaama ay dhibaato ku qabaan kuwii hore ee magaaladaas horey usoo dagay. Waxeyna dowlada ka codsatay in degmadeeda uusan qaban sharciga Anvisningsloven, kaas oo dhigaya in degmo walba ay sanadkii ku qasbantahay inay qaabisho, isla markaana ay dib u dajin sameyno tiro dad qoxooti ah oo wadanka ku cusub.

[adsenseyu2]

 

Degmooyin badan oo Sweden kuyaal ayaa sidoo kale ka cabanayo sharciga Ebo-Loven, kaas oo qofka qoxootiga wadanka ku cusub xaq u siinayo inuu doorto deegaanka uu Sweden ka dagi lahaa, hadii uu guriga iskiis usoo helo. Waxaana badanaa dhacdo inay dadka qoxootiga ah ay doortaan degmooyin ay horey u deganyihiin dad qaraabadooda ah. Taas oo ugu danbeyn keento in degmo ama xaafad ay isugu imaadaan dad badan oo wadanka ku cusub, waana dhibaatada heysata magaalada Malmø ee keentay in duqa Malmø ay afka furato.

Xigasho/kilde: Aftonbladet.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments