Sida uu qorayo wargeyska Aftonbladet, Duqa magaalada Malmø, haweeneyda lagu magacaabo Katrin Stjernfeldt Jammeh oo katirsan xisbiga Sosialdemokraterna ayaa dalbatay in hal qof oo soo galooti ah aan degmadeeda lasoo dajin sanadka 2018.
Warqad ay u qortay dowlada ayey ku sheegtay inaysan awood u heynin inay dib u dajin u sameeyaan qoxooti kale, maadaama ay dhibaato ku qabaan kuwii hore ee magaaladaas horey usoo dagay. Waxeyna dowlada ka codsatay in degmadeeda uusan qaban sharciga Anvisningsloven, kaas oo dhigaya in degmo walba ay sanadkii ku qasbantahay inay qaabisho, isla markaana ay dib u dajin sameyno tiro dad qoxooti ah oo wadanka ku cusub.
[adsenseyu2]