lørdag, april 20, 2024

Cabdilahi Geedi: Hadey Denmark heshiis la galeen, soo Norweyna heshiis lama galin

Magaceygu waa Cabdilaahi Geedi, kamid ah dadka soomaaliyeed ee sharciga degenaanshaha uu u xareysanyahay. Waxaan sharcigaas hada sugayaa mudo sanad iyo sagaal bilood ah. Markasta oo aan la xiriiro udi, waxaa la sheegaa inaan sugo.

Shaley waxaa norsom ka akhristay in nimankii dowlad isku sheega ahaa ee sommerkii hore noo yimid ay heshiis la galeen danmark. waxaan ogsoonahay in nimankaas ay sidoo kale Norway soo mareen. hadey danmark heshiis la galeen, soo ma muuqato in Norwayna ay heshiis la galeen.

Waxey islahaayeen cidna idinma ogaan doonto, laakiin ilaahay ayaa xaqa feeraha kasoo saaray, oo waakaas ay cadaatay inay heshiis dib u celis ah galeen.

Waxaan usoo jeedinayaa walaalaha Norway degan inay midoobaan, sababtoo ah waan aragnaa inaysan jirin dowlada noo maqan oo aan sugno. nin walba shilinkiisa ayaa u cad, dal iyo dad waxey ka naxayaan majirto.

Waxaan soo jeednayaa in walaalaha sharciga degenaanshaha sugayo ay sameystaan urur iyo gudi u gaar ah oo isku xiro, si ay u kala warqaataan. Waxaa arintaas sameeyay oo ku guuleystay Mahad Abiib iyo ururkiisii, wax fiicana wey qabteen.


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontaada, khibradaada ama hamigaaga aad la wadaagto soomaalida Norway, Denmark iyo Sweden, waxaad qoraalkaaga noogu soo aadin kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x