torsdag, mars 28, 2024

Mahad Abuukar: Inta aynaan xisaabin xisbiga shaqaalaha(Ap), aynu annaga is xisaabinno marka hore

Marka hore waa idiin salaamay dhammaan aqristayaasha ku tixan barta NorSom, salaan kadib ma aan rabin in aan maqaal ka qoro niyadjabka dad badan oo soomaaliyeed ay kala kulmeen Xisbiga shaqaalaha ee Norwey.

Dadka soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa in ay kor u dhaafayaan 43 000 oo ruux, waxa ayna leeyihiin aqoonyahanno, hogaamiyayaal, siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, ganacsato, culimo iyo horjoogayaal bulsho. Iyada oo dadka ugu badan ee soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, ay deganyihiin magaalada Oslo.

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay soo foodsaaray bulshada soomaaliyeed culeysyo badan oo xagga axsaabta siyaasada ee Norwey, iyadoo culeysyadaasi ay keeneen in suaalo badan la iska weydiiyo xisbiga shaqaalaha.

Labadii sano ee ugu danbeysay siyaasada dunida waxa ay la kulantay culeys badan oo kaga yimid xaga midigta fog, marka aad eegto ka bixitaanki ingiriiska ee EU da, doorashadii Donald Trump, xoogeysiga ay xoogeysteen xisbiyada midigta fog ee Uurub sida Sverigedemokrat, National Front-ga faransiiska, xisbiyada Holand, Austria iyo Germany. Culeyskaasi waxa uu keenay in wax badan ay iska badalaan siyaasada bidixda ee yurub,waxeyna keentay in garabyada bidixda siyaasadooda yara cusleeyaan, si aysan u lumin taageerada bulshaweynta.

Xisbiga shaqaaluhu waa xisbi dhinaca bidixda ugu xooga badan dalkan, waana xisbiga ugu weyn wadankaan. Waxaana xubin ka ah dhammaan bulshooyinka kunool Norwy, mana aha xisbi qowmiyad gooni ah ama koox gaar ah danahooda ku shaqeeyo ama ka shaqeeyo. Waa mid loo wada simanyahay inkastoo bulshooyinku ay ku kala badnaan karaan.

Ujeedkaygu maaha in aan xisbiga shaqaalaha ku difaacayo wax kasta, hadane waxaan rabaa in aynu dhabta ka hadalno, odorrasnana dhibta bulshada soomaaliyeed. Soomaalidu waxa tiraahdaa gaalka dil, gartiisana sii. Taa oo macnaheedu yahay marka hore ogaaw cudurka bulshada haya, kadibna sii daawada saxda ah.

maqaalkaan waxaan ku xusi doonaa sabata aan u leeyahay dhibta na heyso waa midnimo la’aanta-:

  1. Waxaa Oslo kaliya ka jira in kabadan 300 urur oo ku furan magacyo soomaaliyeed, magacyo qabiil iyo magacyo shaqsiyaad oo dano qaas ah ka shaqeeya.

  2. Bulsho ku nool 4.5 iyo maamul gobaleed.

  3. Siyaasiyiin isku xisbiya ah oo hadane aan la is tusi karin.

  4. Umad ay u tashteen wadaado firqooyin u qeybsan.

  5. Umad ay u tashteen dumar magac doon ah.

  6. Umad ay u tashteen shaqsiyaad ururro horbooda.

  7. Siyaasiyiinta qaarkood oo nafsadooda uun siyaasi u ah.

  8. Siyaasiyinta soomaaliyeed ee reer Norwey oo wax xiriir umadeed ah laheyn.

  9. Iyo magacii bulshada soomaaliyeed ee Norwey oo Oslo u afduuban

Inta aan xusay iyo in kaloo ka badan oo dhibaato ah ayaa hor taagan in la helo bulsho soomaaliyeed oo ku mideysan danaheeda.

Hadii aan la helin jaaliyad soomaaliyeed oo kulmisa dhammaan 44-ka kun ee Norwey ku dhaqan, waxaa imaan doona dhibta haatan laga qeylinaayo mid ka daran.

In la helo jaaliyad soomaaliyeed oo bulshada dhan matasho waxa ay ka go’daa Oslo oo israacda oo ka tagta waxa la dagay 2 0kii sano ee ugu danbeeyay.

Inta aynaan xisaabin xisbiga shaqaalaha, aynu annaga is xisaabinno marka hore oo aynu la nimaadno midnimo iyo maamul nadiif ah oo  bulshada matali kara.

Hadii kale sheekadu waxa ay noqonee daanyeerkii cuksanayay laanti sii liicaysay.

W.Q: Mahad Abukar Osman: Siyaasi\Xisbiga shaqaalaha ee Sarpsborg, gobalka Østfold


Hadii aad rabtid inaan fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada iyo hamigaada aad la wadaagtid bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaaga noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x