Radio-Harstad=Barnaamijka codka dhibanayaasha iyo Ismael Khaliif

0
169
Foto: Lars Richard Olsen.

Idaacada Radio Harstad ayaa maalinta talaadada ah ee soo socoto bilaabi doonto barnaamij taxane noqon doono, kaas oo loogu magacdaray (Listen to the victims). Waxaana barnaamijkaas idaaceed gudoomin doono Ismael Khaliif oo ah wiil dhalinyaro soomaali ah, kaas oo laftirkiisa dhibane u ahaa ururka al Shabaab.

Ismael ayaa kamid ahaa afar dhalinyaro soomaali ah oo ururka Al shabaab ay lug iyo gacan isdhaaf ah, meel fagaare kaga gooyeen sanadkii 2009.  Barnaamijkan ka bixi doono idaacada Harstad ayuu daadihin doonaa, isaga oo sheegay inuu rajeynayo inuu isku soo dhaweeyo dadka wadanka u dhashay iyo qoxootiga wadanka ku cusub. Isla markaana uu gacan ka geysto isdhexgalka bulshada.

Agaasimaha Radio Harstad ayaa sheegay in barnaamijkan cusub uu cod u noqon doono dadka dhibanaasha ah ee tabanaya xaqdarada, isaga oo raaciyay inuu rajeynayo in dadka wadanka u dhashay ay fahmaan xaaladaha dadka qoxootiga, kadib markii ay dhageystaan sheekooyinka nololeed. 

Xigasho/kilde: Harstad Tidende-Papiravis( 7-2-2017, side 28)

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments