Ardeydan waxey lacag u uruurinayaan soomaalida kujirto xerada dhadhaab

2
158
Surnadal

Bari oo ah 14-ka February, waxaa laga yaabaa inay soomaali badan dabaal dag iyo xaflado u sameysan doonaan maalinta jaceylka aduunka. Balse caruurtan yar-yar ee dhigata klass kamid ah iskuulka Surnadal Ungdom-skole, waxey qaban doonaan xaflad lacagta kasoo uruurto loogu deeqi doono qoxootiga kujiro xerada qoxootiga dhadhaab. 

Waxey weydiisteen hey´ada Dhakhaatiirta aan xuduudka laheyn(Leger uten Grenser) iney siiyaan mashruuc ay taageeraan, waxeyna doorteen inay lacagta xafladaas kasoo uruurto ku taageeraan qoxootiga xerada dhadhaab. Waxeyna casuumeen oo xaflada kala qeybgali doono fanaaniin lokal ah.

[adsenseyu2]

Caruurtan ayaa sidoo kale ku tala-jiro inay barafka dhulka ka xaaqaan,  sameeyaana howl-maalmeedyo kale oo lacagta kasoo uruurto ay ku taageeri doonaan qoxootiga xerada dhadhaab.  

Hadii aad tahay soomaalida degan Surnadal iyo agagaarkeeda, caruurtaas iyo xafladooda taageero haloo muujiyo. Cidey lacagta u uruurinayaan waa soomaali. 

Xigasho/kilde: Driva.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

2 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Ismaeel
Ismaeel
7 years ago

link qalad ayaad ku rifaaqdeyn