fredag, mars 29, 2024

(Aragti): Farhan Dalmar(Somali-swedish): 27 sano oo labadaas wadan joogay iyo waayo-aragnimadeyda dhanka warbaahinta Norway

Macayga waxaa Farhan Dalmar, waxaana ahay somali-swedish. Wadankan waxaan usoo guuray mudo 17 sano ka hor ah, Swedena waxaan imi 1990. Waxaan is leeyahay waxaad leedahay waaya-aragnimo iyo aqoon labadaba wadan ah ah iyo dhulkan aynu nimid. Waxaana rabaa inaan mid ka idhaahdo programkii nrk laga siidaayay oo ay wali doodiisu socoto, midna aan idhaahdo wiilkan ka qayb qaatay  ee weliba qaabkii uu u hadlay, hadana u soo jawaabay.

Shaki kuma jiro in mediyaha Norwey ay agende qarsoon oo soomalida ku saabsan ay leeyihiin. Sabantuna ayna ahayn shaqo keliya  sumcad xumada soomaalida u taalaa, ee  waa  mid ay warbaahinta norwey abuurtay. Sababta ugu weyn ee arintaas keeneysana, waa soomaalida oo ay ka muuqaato dhaqanka islamka oo ay karaahiyaysteen. Marka qof la bahdilyo ee la faquuqayo iyo marka laga hadlayo wax ka qaldan, way kula duwantay. Intii aan norway joogay waxaan arkayey in media Norwey ay soomaalida Norwey faquuqaysey.

Anigu waan shaqaystaa, weligay caydh uma tegin, hadana waxaan ka mid ahay kuwaas la cayaayo. Sadex waxyaalood wadamada qaar waad ku dacwayn kartaa qofka wax u dhima,  sida  meeshaad ka timid asal ahaan oo lagugu faquuqo, diintaada oo lagugu faquuqo, midabkaaga oo lagugu midab-takooro.  Waa daciifnimo in dad ku doodaan soomaalidu shaqo ma rabto, waana hadal aad raqiis u ah. Ninka NRK ku raacsanina waa niman waxbadan ogeyn.

In dad badani oo soomaali aysan shaqayn sababo  badan ayaa kelifay, waxeyna u baahantahay in waqtigeeda laga hadlo. Xalka keliya ee lagaga bixi karaa waa hal mid, soomaalida oo midowdo, kadib is  caawisa dhinac kastaba iska  caawisa , hadii maalin mid ba meel ayaa laga heli oo la odhan kaalay oo soomaalida Cay.

Qodobka labaad  waxaan rabaa inaan kelmado aan badnayn ugu jawaabo  wiilkii programka ka qayb qaatay.

 Ahmed Abukar wuxuu iila  eegyahay  inuu wadankan ku cusubyahay oo wax badani ka qaarsoonyihiin. Ummad dhan oo soomaaliyeed ayaad sharaftoodii iyo karaamadoodii dishay. Sida dadkaaga loo dhaliilaa sidaas ma, ahan. Waxaad noqon kartaa activist soomaaliyeed  oo ka bilaaba kan kuugu dhow, kuna caawiyo waxaad ku dhaanto. Ma aha dhaliil inaan Aamel  Aden oo media Norwey ay dan gaar ah ka leeyahay intaad ag fadhiisato rikstv norwey, iyo inaad adiga oo qoslaya soomaalida bahdisho.  maxaad caawisay? 

W.Q: Farhaan Dalmar


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga la wadaagto bulshada soomaaliyeed, waxaad noogu soo gudbin kartaa: NorSomnews@gmail.com 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x