Denmark: 17-sano jir ayaad leysinka baabuurka ku qaadan kartaa

0
96

Wadanka Denmark ayaa waxaa dhawaan laga dhaqangaliyay sharci cusub, kaas oo dhalinyarada da´doodu tahay 17-ka sano, u saamaxayo iney qaadan karaan leysinka wadista baabuurta. 

Sharcigan cusub oo dhaqangalkiisu uu ka bilaabanayo sanadkan cusub ee 2017, ayaa ah mid tijaabo oo socon doono sadex sano, inta aan mar kale dib looga doodin dhaqangalintiisa rasmiga ah. Wuxuuna dhalinyarada 17-sano jirka ah u ogolanaayaa, iney leysinka qaataan oo baabuurka ay wadaan, hadii uu qof ka weyn 30 sano oo leysin leh uu baabuurka la saaranyahay. 

Sidoo da´da ay dhalinyaradu ku bilaabi karaan iney qaataan leysinka mootada(dhug-dhugleyda), ayaa waxaa laga dhigay 15 sano, halkii uu markii hore ka ahaa 16 sano. 

Xigasho/kilde: NTB-RITZAU

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments