Abdullahi Allason: Soomaalida yeysan cabsi isgelin, wixii dhib ah waxaan la qabnaa dadka magaalada dagan

0
92

Waxaan shaley magaalada Kristiansand lagu dilay wiil 14 jir soomaali ah oo lagu magacaabo Yacquub Abdhullahi Hassan iyo Tone iIebekk oo aheyd haweeneyd 48 jir ah oo macalimad ka aheyd barnehage kuyaalo magaalada.

Sida ay sheegeen warbaahintu wax xiriir ah kama dhexeen labada marxuun ee isku goobta lagu dilay. Ilaa hadana boolisku ma aysan soo qaban cidii ka danbeysay falkan, waxeyna sheegeen iney wadaan baaritaano.

NorSom News ayaa xiriir la sameysay xildhibaan Abdullahi Allason oo kamid ah golaha deegaanka Kristiansand, si aan macluumaad dheeri uga helno falkan argagaxa leh ee soo wajahey jaaliyada soomaaliyeed ee Kristiansand.

Allason, waxa uu sheegay inuusan faah-faahin ka bixin karin dhacdadan, maadaama ay wali socoto baaritaanka ay boolisku wadaan, wuxuuna ka codsadey jaaliyada soomaaliyeed ee kunool Kristiansand, ineysan kahor dhicin inta uu booliski soo saarayo warbixinta ku saabsan falkan. Hadii ay wax macluumaad ah ka hayaana, ay la xiriiraan booliska oo la shaqeeyaan.

 Abdullahi Allason ayaa dhanka ka codsadey soomaalida Kristiansand ineysan wel-welin, maadaama ay wax la qabaan dhamaan umada kunool magaaladaas, dhacdadana ay saameysay labo qoys oo kala duwan oo magaalada kunool.

Kaligeen ma ahan oo labo guri oo kala duwan ayaa laga ooyayaa, sidaas darteed yaanan dhibaatada kaligeen isku soo koobin. Waxaan ka codsanayaa reer Kristiansand iney kasoo baxaan xilkooda oo ay garab istaagaan qoyska uu dhibku soo gaarey, hadii ay wax information ah ay hayaana, ay fiicantahay iney la xiriiraan booliska oo ay  gudbiyaan. 

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments