Dalsoor oo socdaal shaqo ku imaanayo Oslo Norway

0
116

Warbaahinta caanka ah ee soomaaliyeed ee Dalsoor, ayaa bogooda facebooka ku sheegay iney socdaal shaqo ku imaanayaa wadanka Norway, gaar ahaan magaalada Oslo. Waxeyna sheegeen iney Anker-Hotel kulan ku qaban doonaan 3-da bisha Desember, oo ku aadan maalinta sabtida ah ee nagu aadan.

Sida aan kasoo xiganeyno Omar Mohamed Afeey oo kamid ahaa wariyeyaasha TV-ga Universal, ahna qofka teamka Dalsoor kusoo dhaweynaya Oslo, ayaa noo sheegay iney rabaan iney warbixino ka diyaariyaan xaalada qeybaha kala duwan ee jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Waxey sidoo kale rabaan iney fikirka dalsoor usoo bandhigaan bulshada soomaaliyeed ee reer Norway.

Dalsoor oo ah warbaahin soomaaliyeed oo wax badan ka duwan warbaahinadii soomaaliyeed ee la yaqaanay, ayaa mudo bilo ah ku kasbatay taageerada boqolaal kun oo soomaali ah, kuwaas oo si joogto ah ula socdo muuqaaladooda gaa-gaaban ee barta facebooga. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments