fredag, april 26, 2024

(Sheeko): Waxey dhaheen wiilkaadu waa doqon, maantana waa sharci yaqaan ka shaqeeyaa safaarada Norway ee USA.

Sheekadan waxaa qorey oo nala wadaagey Abdullahi Elmi Ibrahim oo kamid ah aqoonyahada soomaaliyeed ee reer Norway.


Waxaan maalin aan fogeyn ka qeybgalay kulan uu muxaadira ka jeediyey nin reer Burundi ah, Ninkaas oo wnooga sheekeeyay taariikh qabsatay qoyskiisa, gaar ahaan wiilkiisa. Waxaana is iri sheekadan waxay anfaci kartaa qoysas badan oo Soomaliyeed oo ku nool Norway. ninkaas reer Burundu wuxuu sheekadiisa ku bilaabey:

Waxaan wadanka soo galay 1995, waxaa ila socday oo wadanka ila yimid wiilkeyga. Wiilkeygu wuxuu bilaabay iskuulka hoose, xiligaasna Norway kama jirin fursadaha maanta lasiiyo ajaanibta , sida turjumaanada ka turjuma kulamada waalidiinta ee iskuuladu ay qabtaan(foreldremøte). Waxaan aad ugu wareeray kulamadii waalidiinta, waxaan dareemay in aan ciddna xil iska saareyn in aan fahmo iyo inkale waxa laga hadlayo. Aad ayey iigu adkaatay ilaa ay dantu igu qasabtay in aan joojiyo ka qeybgalka kulamada waalidiinta.

Wiilkaykii wuxuu isna dhibaatooyin badan kala kulmay iskuulkii, waayo luuqadii ayaa aad ugu adkaatay oo waxbadan dib udhigtay.  Maamulayaashii iskuulka  waxay bilaabeen in ay baritaano ku sameyaan wiilkeyga. Natiijadii ay layimadeena waxay noqotay in wiilkaygu qabo dhibaato xaga maskaxda ah oo  waxbarashadu ku adagtahay,  ayna yartahay rajada lagaqabo in uu ku guuleysto waxbarashada iyo inuu shaqo fiican helo mustaqbalka. arintii aad ayay dareen badan iigu abuurtay.

Anigu shaqsi ahaan waan ogaa in wiilkaygu uusan doqon ahayn waxbarshaduna ku adkeyn laakiin dhibaatadu tahay luuqadda. Dood badan ayaan la galay iskuulkii, laakiin nasiibdaro waxbadan oo natiijo ah lagama gaarin.

Mudda ka bacdi ayaa waxaa isoo gaartay in wiilkii bilaabay in uu dukaanada wax ka xaddo. Maalin maalamaha ka mida ayaa waxaa igu dhashay xanaaq badan, waxaan aaday iskuulkii, Waxaana ila kulantay macalimadii mas’uulka ka ahayd. Waxaan u sheegay arinta i haysata iyo sida iskuulku ii la dhaqmay.  Macalimadii waxay ii sheegtay in dhibka ay wadaan maamulka iskuulka, iyaduna diyaar u tahay in ay i caawiso.

Waxaan ka codsaday in ay wiilka iyo anigaba noo raacdo booliska. si aan wiilkeyga aan utusiyo cawaqib xumada uu la kulmi karo, hadii wuu ku sii socda sidaan.

Booliskii ayaan u tagnay waxaan ka codsaday in ay noo sharaxaan danbiyadu inta ay u kala baxaan.

Booliskii oo sharaxaya wuxuu yiri,  qofku wuxuu noqon karaa :

  • Qof danbiweyn gala
  • Mid gala danbi dhex dhexaad ah ama danbi yar gala
  • Iyo qof aan danbi gelin.

Markii booliskii dhameystay ayaan wiilkii ku iri, waad maqashay warbixinta booliska adiga ayey ku talaa wadadaad dooraneysid.

Macalimadiina waxaan ka codsaday in ay igu caawiso in ay wiilka la socoto saacadaha uu iskuulka joogo. Waxaan u sameyey buug  uu macalinku ku qorayo waxa wiilku qabto inta uu iskuula joogo, tusaale ahaan hab dhaqankiisa inta xiisadaha lagu jiro. Ma si degan ayuu xiisadaha uga qeyb qaataa,  mise ardayda kale ayuu ku abuuray qalqal?. Taas waxay ii fududeysay in aan wiilkii ku hayo xakameyn.

Waxaa sidoo kale  aan wiilka u sameyey buug uu maalin kasta ku qorayo shan eray oo cusub oo noorweyji-ah. Jimca kastana waxan gelin jirnay jumlado. Mudda kadib wiilkii wuxuu bilaabay in uu natiija wanaagsan keeno dhanka luuqada. dadaal dheer ka dib waxuu wiilkeygii dhameeyay dugsigii sare, isagoo waliba ku dhameeyay  dhibco sare 5,5(95-98%) .

Intaas kadib wuxuu galay jaamacada, wuxuuna dhigtay sharciga. Laga bilaabo janaayo 2015 wuxuu ka shaqa bilaabayaa safaarada Norway ee kuu taala New York.

Aabahii wiilkana wuxuu hadda ka shaqeyaa IMDI(Integrerings- og Mangfoldsdirektoratet – IMDi). Taasna waa dhamaadkii sheekadii uu nooga sheegeeyay ninkaas reer Burundi.

Maxaan kaaga baxey sheekadan?

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x