fredag, april 19, 2024

Khalad sixid: Qaar kamid ah dhalinyarada la tarxiiley waa soomaalida reer Ethopia

Warbixintii aan shaley soo daabacney, waxaan ku sheegnay in dhamaan dhalinyarada wadanka laga tarxiiley laga dejiyay Airportka Aden Cade ee magaalada Muqdisho. Baaritaan iyo u kuur-galid kadib, waxaan soo ogaaney in sadex kamid ah dhalinyarada wadanka laga tarxiiley bishii hore ay ahaayeen soomaali, balse dhalashadoodu ay aheyd Ethiopian. 

Qof xog ogaal ah oo aan la xiriirney ayaa sheegay in dhalinyaridan diyaarada Turkish Airweys looga dajiyey wadanka Jabuuti, halkaas oo laga sii saarey diyaarad kale. Qofka aan warka kasoo xiganeyno nooma xaqiijin karo meesha dhalinyaradaas laga dajiyey ugu danbeyn, balse wuxuu noo sheegay inuu u maleynayo in laga dajiyey Airportka Garaad Wiil-Waal ee magaalada Jigjiga.

Dhanka kale ilaa hada waxaan xaqiijin karnaa tirada afar qof oo soomaali ah oo laga dajiyey Airportka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Saaka aroortii hore ayaan isku deyney inaan xiriir la sameyno saraakiisha maamusha garoonka Aden Cade, balse nooma suurtogalin inaan helno qof warbixin faah-faah naga siiyo muwaadiniintan soomaalida ah ee wadanka Norwey laga tarxiiley.

Wali waxaan kujirnaa raadinta iyo soo uruurinta xogta ku saabsan dadka soomaaliyeed ee laga tarxiiley Norwey. Wixii arintaa ku saabsan oo soo kordha, dib ayaan kasoo galin doonaa. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x