torsdag, april 25, 2024

Dhageyso:10 qof oo soomaali ah oo bishii lasoo dhaafay si khasab ah Norwey looga tarxiiley

Sida ay warbaahinta NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog-ogaal ah, waxaa bishii aan soo dhaafney ee September wadanka Norwey si khasab ah looga tarxiiley dad soomaali ah oo gaarayo ilaa 10 qof. Dadkan oo intooda badan ahaa dad loo diidey sharciga magangalyada wadanka ayaa waxaa dhamaantood laga dejiyay garoonka Aden Cadde International Airport, Waxaana halkaas ku qaabiley saraakiil ka socoto laanta socdaalka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Dadka la celiyay ayaa isugu jiro dad laga qab-qabtey kaamamka qoxootiga iyo waliba magaalooyinka waaweyn ee wadanka qaarkood. Ilo xog-ogaal ah oo aan la xiriirney ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in dadka la tarxiiley uu kamid ahaa aabe soomaaliyeed oo shan caruur ah oo uu dhaley horey looga qaatey. 

Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir la sameysay Axmed Cali Ashkir oo kamid ah dadka la celiyay. Axmed oo mudo kunoolaa magaalada Kristiansand ayaa waxa hada ku suganyahay magaalada Muqdisho oo laga dejiyay khamiistii aan soo dhaafney oo ay bishu ahayd 29-9-2016, waxaana la qabtey talaadadii hore. Diyaarada Turkish Airweys ee axmed lagu tarxiiley, waxaa dhinac ka saarnaa xeer ilaaliayaha guud ee qaranka soomaaliya Dr. Axhmed Cali Daahir.

Wali waxaan kujirnaa khaqiijinta iyo raadinta wararka saxda ee ku saabsan dadka soomaaliyeed ee Norwey laga tarxiiley, balse tirada guud ee naloo sheegay ilaa hada waa 10 qof oo meelo kala duwan la qabtay.

Halkan ka dhageyso codka Axmed Cali Ashkir. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x