onsdag, april 24, 2024

Xisbiga SV oo gabar soomaali ku daray liiska xubnaha u tartamaya baarlamaanka Norwey sanadka 2017

Xisbiga SV, qaybtiisa Oslo ayaa maanta soo saarey liiska musharaxiinta u tartamaya inay baarlamaanka kasoo galaan magaalada Oslo sanadka 2017. Booska lixaad ee Liiskan musharaxiintan, ayaa waxaa ku jirto gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Mariam Cabdi Xuseen. Waxayna Mariam kamid tahay musharaxiinta ugu sareeyo ee jagada xubinada baarlamaanka Oslo u tartamayo. 

Mariam  oo ah gabar dhalinyaro ah, siyaasadana waqti badan  aan kujirin , ayaa horey u ahaan jirtay gudoomiyaha ururka ardeyda soomaalida ee SSF. Waxayna hada kamid ah gudiga xisbiga SV u fadhiya maamulka xaafada Gamle Oslo. 

Liiskan ayaa loo diri doonaa gudiga doorashooyinka guud ee xisbiga SV, si ay usoo ansixiyaan. waxaa liiska kama dambeysta ah lasoo gudbin doonaa 1.da bisha desember ee sanadkan. 

Inkasta oo ay adagtahay ama aysanba suurtogal aheyn in xisbiga SV uu lix xildhibaan ka helo 19-ka xildhibaan ee baarlamaanka kasoo gala magaalada Oslo, hadana waxay ka dhex muuqashada Mariam ee musharaxiintan ay guul u tahay jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey. Waana markii ugu horeysay uu qof soomaali ah lagu daro liiska ugu sareeyo ee musharaxiinta u tartamaya jago baarlamaan.

Sidoo kale waxay arintan fariin cad u tahay xisbiga AP oo haysta taageerada ugu badan ee soomaalida. Sida Xisbiga SV oo kale, xisbiga AP maku soo dari doonaa liiska musharaxiinta jagada baarlamaanka Norwey qof soomaali ah?. Doorashadii hore ee 2013, waxaa liiska musharaxiinta baarlamaanka ku jiray Baashe Muuse oo la galiyay booska 59-aad.

Waxaa hubaal ah codka jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey uu doorashada sanadkan yahay mid dheeman ah, oo xisbiyada wadankan ay isha ku wada hayaan. Soomaalida ayaa ah qowmiyada sadexaad ee ugu badan tiro ahaan ajaaniibta wadankan kunool. Sidoo kale soomaalida ayaa ah dadka ugu badan ee ajaaniibta ah ee codadkooda dhiibta xiliyada doorashada.

Xigasho/kilde: SV.NO 

[adsenseyu1]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x