torsdag, april 25, 2024

Tromsø: Waxaa noo cad in cayduruus la dilay, kadibna meydkiisa bada lagu tuuray

Waxaa shaley oo jimce ahayd magaalada Tromsø lagu aasay meydka allah ha u naxariistee Cayduruus Cumar Faarax oo sabtadii hore laga helay bada magaalada Tromsø. Qoyska Wiilka geeriyooday oo aaska kadib la hadlay Wakiilka tvga qaranka Soomaaliya u jooga Norwey (Xasan Raasto),  ayaa sheegay inay u cadahay in wiilkooda la dilay, kadibna meydkiisa bada lagu tuuray.  Waxayna sheegeen in markii ay dhaqayeen meydka ay jirkiisa ka heleen dhaawacyo cadeyn buuxdo u ah in la dilay, sida in qoorta laga jabisay iyo dhaawacyo kaga yaalo gacmaha iyo waliba lugaha. (Warbixinta Xasan Raasto iyo aaska Cayduruus hoos ka daawo) 

Hooyada dhashey  Cayduruus ayaa sidoo kale SNTV u sheegtay in markii hore ay boolisku ku wargaliyeen in jirkiisa aysan ka helin wax dhaawacyo ah, balse markii danbe oo ay meydka dhaqayeen ay jirkiisa ka heleen dhaawacyo tiro ah. In boolisku ay ka qariyeen dhaawacyadana ay tahay arin ay aad uga xumaatay. Hooyada Cayduruus ayaa sidoo kale ka codsaday booliska iyo dowlada Norwey inay ula dhaqmaan qaab cadaalad ah, ayna soo qabtaan hadii ay jiraan cid wiilkeeda dilkiisa ka danbeysay(Hoos ka daawo warbixinta iyo hadalka mamada Cayduruus).

Halkan ka daawo warbixinta SNTV, hadalka qoyska iyo aaska ka dhacay magaalada Tromsø.

-Booliska: Dhaawacyo ma helin, mobilkiisana waan helnay

Dhanka kale, danbi baarayaasha booliska ee gacanta ku hayo kiiska wiilkan soomaaliga ah ee geeriyooday ayaa shalay oo sabti ahayd soo saarey warbixin hordhac ah(midlertidig), taas  oo ay ku sheegayaan inay u badantahay in Cayduruus uu bada ku dhacay, aysana jirin wax dhaawacyo kore ah oo jirkiisa ay ka heleen.  Danbibaarayaasha ayaa sidoo kale sheegayo in mobilka Cayduruus ay kasoo heleen bada gudaheeda, meel aan wax badan ka dheereyn meeshii markii hore laga helay meydkiisa. 

Madaxa waaxda danbi-baarayaasha Arvid Lajord ayaa sidoo kale wargayska iTromsø u sheegay inaysan heynin sawiro ama muuqaalo cadeyn ah oo sheegi kara in Cayduruus uu biyaha ku dhacay. Balse baaritaan kadib ay qiyaasayaan in uu biyaha ku dhacay. Wuxuu sheegay inay dhici karto in uu mobilka ku mashquulsanaa, maadaama uusan jeebkiisa kujirin.

Warbaahinta NorSom News ayaa saaka xiriir la sameysay qoyska Cayduruus:  waxay noo sheegeen in ay wali aaminsanyihiin, ayna u cadahay in wiilkooda la dilay, aysana fahmi karin warbixinta booliska ee sheegaysa inaysan jirkiisa dhaawacyo ku yaalin. Waxay sidoo kale noo sheegeen in sawiro ka qaadeen dhaawacyada ku yaalay jirkiisa, ayna la sugi doonaan inta ay soo bixi doonto warbixinta danbibaarayaasha oo dhameystiran. Kadibna ay qaadi doonaan talaabadii la gudboonaato. 

[adsenseyu1]


 

Obduksjons- rapporten fra Politiet konkluderer med drukning.

Forrige lørdag ble Aydroos Omar Farah (24) funnet livløs i havnebassenget ved Strandtorget. Nå har politiet fått den midlertidige obduk- sjonsrapporten. Den konklu- derer med at det var druk- ning. Det er ingen tegn til ytre skader, sier leder for etterforskningsseksjonen, Arvid Lajord. Det er nå blitt gjennom- ført nytt søk etter mobilte- lefonen, og den er funnet...

Familien til den avdøde 24-åringen til SNTV(Somali National TV): Vi er svært overbevist om at noen drepte ham først, også kastet de liket i havet. Vi har funnet flere skader på kroppen hans som indikerer tydelig at han ble drept. 

Xigasho: SNTV, Itromsø: Papir-avis( 10-9-2016, side 6). [adsenseyu1]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x