lørdag, april 20, 2024

Tromsø: Taksiile soomaali ah oo meydkiisa laga helay magaalada Tromsø.

Goobta laga helay meydka wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah Foto: Astrid Øvre Helland

Booliska magaalada Tromsø ayaa shalay aroortii bada magaaladaas ka helay meydka nin dhalinyaro ah oo da´ahaan ay sheegeen inuu jiray labaatameeyo. Goobta meydka wiilkan laga helay oo aan wax badan ka dheereyn senterka magaalada,  ayaa ah meel ka shiraacato doonta Hurtigruten. Waxaana booliska arintan ku wargeliyay qof jidka marayay oo arkey meydkan wiilkan oo bada wajiga kula jiro.

Warar aan shalay galinkii danbe kasoo xiganay qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Tromsø ayaa xaqiijinaya in wiilkan meydkiisa laga helay bada uu ahaa taksiile dhalinyaro soomaali ah oo magaalada degenaa. Waxa ayna magaciisa noogu sheegeen Caydaruus cumar Faarax. 

Booliska magaalada Trømso ayaa sheegay in ilaa hada in aysan cadeyn karin in wiilkan bada lagu tuuray iyo inay si kale wax u dhaceen.Roy Tore Meyer oo ah madaxa howgalada booliska magaaladaas ayaa warbaahinta u sheegay inay qaraabada wiilkan gaarsiiyeen warka la xiriira dhacdadan, iyaga oo baaritaan kusii sameyn doonaan arintan.

Qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Tromsø ayaa muujiyay in dhacdadan ay soomaalida ku dhaqan magaaladaas ku dhalisay wel-wel xoogan.

-Wixii kusoo kordha dhacdadan, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Død person funnet i havnebassenget i Tromsø..les mer på norsk her:

Kilde/xigasho: Nordlys [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x