torsdag, mars 28, 2024

Sweden: Nidaam iyo sharci cusub oo lagu baarayo da’da magangalyo-doonayaasha oo lasoo dajiyay

Dowlada Sweden oo ah kamid ah dowladaha  qaabila dadka magangalyo doonayaasha ah ee ugu badan,  ayaa soo saartay nidaam lugu ogaanayo da’da saxda ah ee dhalinyarada isdhiibta ee sheegta inay ka yaryihiin da’da qaangaarnimiada. 

Nidaamkan cusub oo ka kooban labbo nooc ayaa kala ah in baaritaan lugu sameeyo ilkaha (ilkaha qaar) iyo jilibka( kala goyska jilibka). Warsaxaafadeed ay jimcihii lasoo dhaafay soo saartay dowlada Swden,  ayay ku soo bandhigtay labadaas nidaam oo lugu baarayo da’da saxda dhalaanka keli socdka ah ee dalkaan Iswiidhan magangalyada weydiista.

Ma ahan oo keliya baarista  lugu sameeynayo ilkaha iyo jilbaha  ee waxaa  sidoo kale raajo la saari doona xagga hoose ee lugta cajirka ku dhamaado, taasoo kolkii hore lugu sameyn jiray da’da u dhaxeeysa 22 ilaa 28 jir.

Baaritaaniddii daaweynta sharciga ah ee horey laanta socdaalka u sameyn jirtay ayaa  inta badan la ogaan jiray ineey yihiin kuwo biseylka qaargaanimadda. Dhaaln keli socod ah oo tiradooda gaareyso 800 ayaa baaritaankaan  lugu sameeyey lugu ogaaday in sedex meelood meel in da’doodu ka weyneyd 18 jir.

[adsenseyu1]

 

 – Iswiidhan oo keliya ayaa baareysa kala goyska jilibka

Waayo aragnimo laga dhexlay baaritaano horey loo sameeyey, ayaa  muujin jirtay in kala goyska jilibka aan sax ah u muuqan jirin, mana jirin wadan  tijaabadaas ama baaritaankaas lugu soo sameeyey. Sababtaas ayey waaxda sharciga daaweynta u dooneeysa in ilkaha iyo kala goysyadda jilibaha lugu sameeyo baaritaan  muuqda. Sawir kasta oo laga qaado ilkaha iyo jilbahana waxaa qiimeyn ku sameyn doona labbo qabiir uu soo gudbinaya aragtidooda ku aadan.

Shaki laga qabo boqolkiiba toddobaatan(70%)

Iswiidhan waxaa ay horey u qaabishay dhalaan keli socod ah oo ka badan inta dalalka kale ee Yurub qaabileen, dhalaankaan oo aan heeysan cadeeymo la xirriira da’dooda ayaa laanta socdaalka waxaa qasab ku ahaan jirtay iney diiwaan geliso da’da ay sheegtaan. Taasina waxaa ay abuurtay qeylo dhaan ka soo yeertay gobolada iyo degmooyinka carruurahan la dejiyey, kuwaas oo sheegay in dad waa weyn loo keenay, lagana diiwaan geliyey xarrumaha caafimaadka ee carruuraha, islamarkaasina lala fariisiyey fasaladda carruuraha iyaga oo aan aheyn carruuro.

Raad raac: Dhalaan keli socda ah ee da’da yar 

  • Sanadkii ina dhaafay waxaa Iswiidhan soo galay dhalaan keli socod ah oo gaaray 35.000, sgaal ka mid ahina ay wiilal ahaayeen. Sanadkan waxaa ay hoos uga dhacday tiradaasi  1 700. Laanta socdaalkana waxaa ay diiwaan gelin jirtay da’da ay sheegtaan dhalaankaasi oo ay u arkayeen ineey tahay macquul, hase ahaatee baaritaanka xagga da’da oo dib ka sameyn jirtay marka la guda galo codsigooda magangalyo doon.

  • Shaqsiga da’diisa ka yar yahay 18 sanno wuxuu helayaa kaalmo aan ku koobeyn hoy iyo cuno.

  • Qasabna looma celin karo sida qofka weyn qasab loogu celin karo halkii uu ka yimid.

  • Bishii meey ee sanadkan ayey dowladda waxaa ay amar ku siisay hey’ada sharciga daaweynta iney sameeyso howlgal baaritaano lugu sameeynayo qiimeyta da’da. Waxaana la rajeynaya in qalabka baaritaanada qeybteeda ugu weyn la keeni doono dhawaan.

  • Bishii diseember ee sanadkii hore ayey maxkamadda sare, waxaa ay sheegtay in raajo la saaro ilkaha ay yihiin hab sax ah oo lugu qiimeyn karo da’da  haddii ay timaado fal dembiyeed.

Xigasho/kilde: Somaliska.com [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x