torsdag, april 25, 2024

Sunndal: Wiil soomaali ah oo falal danbiyeedyo tiro ah ka sameeyay deegaanka Sunndal, iyo dadka deegaanka oo loogu baaqay inaysan soomaalida oo dhan colaad u qaadin.

Leder for innvandringstjenesten i Sunndal kommune, Bente Mosbakk

21 jirkan soomaaliga ah ayaa isbuucii hore falal danbiyeedyo is xig-xiga oo tiro ah ka sameeyay deegaanka Sunndal oo ka tirsan kommunaha Nordmøre ee gobalka Møre og Romsdal. Ninkan ayaa xabsiga la dhigay sabtidii lasoo dhaafay, balse waxaa xabsiga laga sii daayay maalinta isniinta ahayd ee isbuucan.  Arintaas ayaana abuurtay cabsi lasoo daristay dariska iyo dadka kunool deegaankaas, sida ay qorayaan journaalada lokalka ah. 

Sida uu qoraya joornaalka lokalka ah ee Aura Avis, ninka ayaa  meelood oo deegaankaas ah ka fuliyay weeraro gacanta ah iyo hanjabaad uu u geystay shaqsiyaad:

Mar sii horeysay ayuu weerar ku qaaday iskuulka dadka waaweyn(Voksenopplæring) ee Sunndal. 

-Isbuucii hore ayuu sidoo kale weeraray dukaanka Jysk ee ku dhexyaalo senterta AMFI ee Sunndal, isaga oo jabiyay mid kamid ah daaqadaha dukaanka Jyskiga. Waxa oo sidoo kalena tuur-tuuray kuraas banaanka taaley, jabiyeyna darbiga dukaankan uu weeraray. . Intaas kadib ayuu isbaaro u dhigtay darawal Taxi oo meesha taagnaa,  isaga oo isku dayay inuu xoog u qaado lacag. Waxa uuna usii gudbay labo baabuur oo dad shacab ah ay leeyihiin, isaga oo dhaawac gaarsiiyay labada baabuurba. 

[adsenseyu1]

Dhowr qof oo ka shaqeeyo dukaanka iyo senterka iyo waliba dad kale oo deegaanka ayaana arintaas ku wargaliyay booliska, iyaga oo sheegay inay ka cabsi qabaan ninkan. 21 jirkan oo magaciisa ay qariyeen saxaafada deegaankaas ayaa la sheegayaa in xiliga uu weerarka sameynayay uu ahaa mid daroogaysnaa/khamri cabsan. Waxaana la xiray sabtidii si kumeel gaar ah, isaga oo lasii daayay isniintii, waxa uuna hada  sugayaa in maxkamad in la saaro. Hadii lagu helo danbiga waxaa uu muteysan doonaa ciqaab lacageed ama mid xabsi ah midkood.

Dad deegeenka ayaa cabsi ka muujiyay in ninkan mar kale lagu soo dhex sii daayo kommunaha Sunndal, waxayna muujiyeen in ay si aad ah uga hor jeedaan in ninkan xabsiga laga daayay mudo kooban kadib, maadaama uu khatar galin karo amaanka dadka kunool deegaanka. Booliska ayaa sheegay inay si fiican ula socdaan dhaq-dhaqaada 21 jirkan, iyaga oo sheegay inay ka mamnuuceen inuu usoo dhawaado aaga senterka AMFI oo ah goobihii uu falalka ka geystay. Isaga oo sidoo kalena lagu amray inuu afarta isbuuc ee soo socoto subax walba iska xaadiriyo xafiiska booliska deegaanka.

Madaxa xafiiska ajaaniibta deegaankaas  Bente Mosbakk ayaa ugu baaqday dadka deegaan in dhibta uu ninkan geystay aan loo saarin dadka soomaalida ah ee kommunaha degan oo dhan. Waxa ay sheegtay in sidoo kale ay cabsi soo wajahday dadka ajaaniibta ah ee deegaanka, iyaga oo ka cabsi qabo in loo dhibaateeyo falalka danbiyada ah ee ninkan uu sameeyay dartood. Waxa ay sidoo kale ka codsaday in qof shakhsi ah wax uu sameeyay aan loo saarin qowmiyad dhan ama ajaaniibta oo idil.

Xigasho/kilde: Aura Avis Pluss,  Aura Avis( Papiravs, 8-9-2016, side 4) [adsenseyu1]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x