tirsdag, april 23, 2024

Stavanger: Taksiile soomaali ah oo mindi lagu weeraray magaalada Stavanger

Waxaa habeenkii khamiista ahayd ee lasoo dhaafay(8-9-2016) weerar mindi loo adeegsaday lagu qaaday wiil soomaali ah oo taksi kaga shaqeeyo magaalada Stavanger. Weerarkan oo dhacay xili habeenimo ah ayaa waxaa taksiilahan soomaaliga ah ku qaaday nin rakaab ah, kadib markii uu dhexmaray muran iyo is afgaranwaa ku saabsan in ninkan uu diiday inuu bixiyo lacagta kirada taxiga.  Booliska oo goobta soo gaaray ayaa xaqiijiyay in wax dhaawac jir ahaaneed ah aysan soo gaarin taksiilaha, sidoo kalena ay xabsiga dhigeen ninkii weerarka soo qaaday. 

Booliska ayaa sheegay inay baaritaan kadib ay ninkan jeebkiisa ka heleen sadex mindi oo labo kamid ah ay yihiin kuwa kaluunka, halka tan sadexaadna ay ahayd mindida yarta ah ee jeebka la gashado. Waxay sidoo kale sheegeen inay ninkan kusoo oogeen dacwad ah inuu hanjabaad u geystay shaqsi iyo waliba inuu goobaha dadweynaha ku watay mindi.

[adsenseyu1]

-Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir la sameysay Maxamed Siciid Jaamac oo ah wiilkan taksiilaha ah ee la kulmay dhacdadan, isaga oo nooga waramay sida ay wax u dhaceen:

Maxamed ayaa noo sheegay in isaga oo shaqada kujiro uu telefon ka helay qolada sentralka, kuwaas oo u sheegay inuu ninkan meel kasoo qaado uuna geeyo meel kale. Kadib markii maxamed  uu ninkan geeyay adresskii uu rabay, uuna sugayo inuu bixiyo lacagta kirada ayuu ka codsaday inuu waxyar banaanka kusii sugo. Si uu lacagta kirada uga soo qaado saaxiibkii uu degan guri agtooda ah. Maxamed ayaa sheegay inuu ninkan kala haray mobilkiisa gacanta, si uu usii haysto inta lacagta looga keenayo. Laakiin horey kama uusan soo noqon ee waxa uu guriga ka maqnaa isku dar mudo saacad ku dhow. 

Markii uu in mudo meer-meeriyay ayuu maxamed go-aansaday in ninkan uu ku kaxeeyo baabuurka oo uu geeyo saldhiga booliska si ay halkaas uga kala baxaan. Laakiin markii ay dhexdada sii socdeen ayuu ninkan Maxamed oo baabuurka wado uu ku qabtay mindi, isaga oo ugu handaday inuu dili doono, hadii uusan baabuurka istaajin. intaas kadib ayuu wacay maxamed istaajiyay baabuurka, isaga oo wacay qolada sentralka uuna ku wargaliyay xaalada, iyagana ay sii waceen booliska oo goobta soo gaaray, inta aysan sheekadu sii xumaan. Booliska ayaa ninkan isaga oo baxsan rabo qabtay, iyada jeebkiisa kasoo bixiyay ilaa labo mindi oo kale.

Waxa iigu hanjabay inuu i dili doono hadii aanan baabuurka si shaqso ah u istaajin, uuna meel ku qortay taarikada baabuurka aan wado uuna isoo heli doono hadii aan booliska telefoon u diro.

Maxamed siciid ayaa noo sheegay inuu hada nabad qabo oo uusan jirin wax dhib ah ama dhaawac  jir ahaaneed ah oo gaaray, balse ay soo wajahday xoogaa dareen cabsiyeed ah maadaama uu la kulmay xaalad khatarkeeda leh . Waxa uu fasax maalmo ah ka qaatay shaqada, isaga oo sheegay inuusan dhacdadan darteed u joojin doonin shaqadiisa, balse uu ka fakari doono inuu shaqada taksiga u badasho maalintii.

Waxa uu intaas ku daray in shaqada taksiga habeenkii ay sideedaba khatarteedu badantahay, gaar ahaan habeenada helgaha(weekend). Dhowr mar oo hore ayuu maxamed noo sheegay inuu la kulmay dhacdooyin noocan oo kale ah, laakiin ay tani ahayd midii ugu halis badneyd.

Magaalada Stavanger oo ah magaalooyinka ugu waaweyn ee wadankan ayaa waxaa kunool jaaliyaad soomaaliyeed oo aad u badan, iyada oo shaqooyinka ugu badan oo ay ka shaqeeyaan ay kamid tahay shaqada taksiga.


Taxisjåfør ble truet med kniv:

Rundt klokken 03.30 natt til torsdag rykket politiet ut til Hafrsfjord etter å ha fått en nødmelding fra en taxi.-Meldingen gikk ut på at sjåføren ble truet med kniv.-Politiet gikk til væpnet aksjon på stedet og fikk kontroll på personen…les mer på norsk her:

Xigasho/Kilde: Aftenbladet, Roganytt.no 

[adsenseyu1] 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x