torsdag, november 21, 2024

Safio Abdi Haase: Adoo shaqeysan karo inaad ceyr qaadato waa xaaraan!

Waxaa maanta oo arbaco ah magaalada Oslo ka bilowdey shirka OXLO-konforansen oo ah shir sanad walba mar lagu qabto magaalada Oslo, kaas oo inta badan looga hadlo arimo ku saabsan isdhexgalka iyo wada noolaanshaha shacabka kunool magaalada Oslo guud ahaanteed. Sanadkan wuxuu mowduuca shirku ahaa: sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub. Waxaa lagu casuumay madax kala duwan oo dowlada ah, maamulka magaalada Oslo, ururada iskaa wax u qabsada ku shaqeeyo, ganacsato iyo waliba dad ayagu qoxootinimo wadanka ku imaaday. Dadka marti lagu casuumay shirkan waxaa kamid ah Safiyo Cabsi Haase oo ah soomaalida Norwey inteeda badan ay wada garanayaan.

[adsenseyu2]

Safiyo ayaa kulanka loogu casuumay si ay talooyin iyo khibradeeda ku saabsan shaqo abuurka ay ula qaybsato dadka kale ee shirka joogay:

Aqoon, Aqoon, Aqoon . Waa wax ugu muhiimsan ee qofka laga rabo inuu la yimaado, si uu horumar nololeed uga gaaro Norwey. Nasiib daro, waxaa caado noqotay in dadka wadanka ku cusub, aqoon heer iskuul aan laheyn loo diro koorsooyin aan dhamaad laheyn, waxbana aysan ka baraneyn.

Waa muhiim in marka hore la ogaaado heerka aqoonta dadka qoxootiga ah, kadib loo caawiyo sidii ku haboon heerkooda aqooneed. Hadii uusan qofku soo dhigan dugsi hoose dhexe, waa in marka loo diraa dugsiga hoose dhexe, kadibna koorsooyin kale. Hadii aan sida saxda ah oo ay isugu xigaan aan wax loo qaban, waligeed qofku ma uuheli doono shaqo. Hadaad qoxooti tahay, wadankana aad ku cusubtahay, wey fududahay inaad  caawinta dowladaaad ku xirnaato, sidaas darteed waa in shuruudo lagu xiraa.

Safiyo ayaa sheegtay in markii ay ayadu wadanka timaaday 1992, ay iska diiday inay qaadato ceyrta dowlada. Ayna raadsatay oo heshay meel ay praksis ahaan uga shaqayso, markii danbena ay waxbarasho bilowday. Safiyo waxay dugsiga hoose-dhexe iyo kan sare uga baxday Norwey, iyada oo kadibna noqotay kalkaaliso caafimaad(sykepleier), waxay sidoo kale heysataa shahaado kale oo master degree ah.

Safiyo ayaa hadalkeeda raacisay in dadka qoxootiga ah badankood ay rabaan inay shaqeeyaan, balse aysan heleyn caawintii ku habooneyd.

Ka muslim ahaan waa xaaraan, oo ma banaano inaad ceyr qaadato adoo shaqeyn kara. Waa shaqeyn karey, sidaas darteed ma rabin inaad noqto ceyr qaate. Waxaan ogahay in dad badan oo muslimiin ah ay kasoo horjeedaan in la qaato deynta ribada la socoto ee jaamacadaha, sababtoo ah diinta ayaa mamnuucday in ribo la qaato. Laakiin waxaa taas kasii daran inaad shaqo-laawe noqoto waxbarasho la aan darteed, sidaasna aad ceyr qaate ku noqotid.

Safiyo haase ayaa sidoo kale sheegtay in aabaheed uu ahaa macalin dugsi quraan, sidaas darteed ay wax xoogaa sifiican uga taqaano diinta islaamka.

Jon Rogstad oo ah madaxa cilmibaarista hey-ada FAFO ayaa si weyn madaxa ugu ruxay hadalka Safio Haase, isaga oo sheegay in qiimeyn la aanta aqoon dadka qoxootiga ah ay tahay dhib weyn oo hadhow ku qasbi karto inay banaanka ka joogaan suuqa shaqada. Isaga oo sheegay in aan si dhab loogu kuurgalin heerka aqoontooda, balse qorshe la aan loo diro koorsooyin aan dhamaad laheyn, kadibna ay garan waayaan meel ay aadaan, sidaas darteed ay banaanka uga baxaan uga suuqa shaqada.

Ujeedada guud ee shirka OXLO konferanse ee sanadkan ayaa ah sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa 1000 qof oo qoxooti ah oo Oslo kommune uu rabo inuu soo qaato sanadkan gudahiisa.

 

xigasho: Aftenposten, Halden.no, Aftenposten papir avis( 21-09-2016)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x