14.2 C
Oslo
lørdag, august 13, 2022

PST: Dadka soomaalida ah ee xagjirka noqdaa aad bey u yaryihiin marka loo eego tirada soomaalida wadanka degan

Warbixin ay shaley soo saartey hay-ada sirdoonka iyo nabadsugida wadankan Norwey ee PST(politiets sikkerhetstjeneste) ayaa lagu sheegay in dhalinyarada soomaalida ah ee xagjirka noqdaa ay aad u yaryihiin, marka loo eego tirada ay soomaalidu ay wadanka ku dagantahay. Waxaana halkaas ku beenoobay warar laga faafin jiray soomaalida, oo ahaa in ay kamid yihiin dadka ugu badan ee xagjirka noqda ama u dagaal iyo jihaad tago, wadamada ay  ka socdaan colaadaha sokeeye ee wata magaca diineed.

[adsenseyu1]

Warbaahinta Norwey ayaa ilaa shalay aad u hadal haysay warbixintan ay PST soo saartey, waxaana aad loo hadalhayay oo la yaab noqotay in 18% dadka xagjirka noqdey ay yihiin dad gadaal kasoo islaamay, oo aan wax badan kujirin diinta islaamka. Sidoo kale waxaa aad loo hadalhayay in soomaalida iyo pakistanada oo ah labada qowmiyadood ee ugu badan ee muslimka ah ee wadankan degan, ay aad ugu yaryihiin dadka xagjirooba.

Warbixintan oo ah tii ugu horeysay oo nooceeda oo kale ah, ayaa waxay hay-adu sheegtay inay baaritaankeeda waday mudo dheer, isla markaana ay tahay mid sawir weyn oo mug leh ka bixinayso xaaladada dadka xagjirka noqday. Warbixinta oo dheer ayaa waxyaabaha lagu soo bandhigay waxaa kamid ah:

-In dadka xagjirka noqdey ay isku dar kasoo jeedaan 30 qowmiyadood.

 

-88% dadka xagjirka noqdey norwiiji dhalad ah ma ahan, oo waxay kasoo jeedaan qowmiyado kale.

-78% kamid ah dadka xagjirka noqday waxay haystaan dhalashada wadankan.

-18% kamid ah dadka xagjirka noqday, waa dad aan markii hore islaam aheyn oo gadaal kasoo islaamay.

-73% dadkan ay hay-adu sheegtay inay baartey, waxay xagjiroobeen intii uu socdey dagaalka Syria.

-61% dadka xagjirka noqdey waxay Norwey soo galeen iyaga oo caruur ah ama dhalinyaro ah(Norwey kuma dhalan)

-88% dadka xaqjiroobay waxaa Rag.

-64% kamid ah waxay shaqo la-aan ahaayeen xili dheer.

-Ugu yaraan 47% kamid ma aysan dhameyn ama bilaabin dugsiga sare

-46% dadka xaqjiroobay waxay horey u gaysteen oo lagu eedeeyey ama loo xukumay falal danbiyo ah, halka 42% kamid ahna ay lugaha kula jiri jireen falal danbiyeedyo la xiriira iibinta daroogada.

-17,5 kamid ah dadka xagjirka noqday waxay waayeen(geeriyooday) mid kamid ah waalidkood inta ay caruurta ama dhalinyarada ahaayeen.

-Abdullahi Alason : Waa guul ay libinteedu iska leedahay jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey.

14348863_10154328479560240_1050490624_nWarbaahinta Norsom ayaa xiriir la sameysay siyaasiga Abdullahi Alason oo ah xubin tirsan golaha deegaanka ee magaalada Kristiansand, sidoo kalena kamid ah gudi uu kommunaha Kristiansand u xilsaaray ka shaqeynta iyo kahor tagista howlaha la xiriira xagjirnimada dhalinyarada wadankan kunool. Abdullahi ayaa marar badan kasoo muuqday warbaahinta Norwey, isaga oo dowlada ka codsanayo in gacan laga siiyo jaaliyada soomaaliyeed, sidii ay uga hortagi lahaayeen xagjirnimada dhalinyarada.

Xildhibaan Alason ayaa sheegay in warbixinta ay soo saartey hay-ada sirdoonku ay muujinayso in uu natiijo keenay, dadaalkii  ay jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey u gashay in wax laga qabto howlaha xagjirnimada. Wuxuuna hadalkiisa raaciyay in arintan aysan aheyn mid iska timid, balse ay tahay mid ku timid dadaal iyo wax qabad dhab ah oo ay la timid  jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, iyaga oo kaashanayo jaaliyadaha soomaaliyeed ee kunool wadamada kale ee scandinavianka.

Aqoonta ay soomaalidu u leedahay dhibaatada xagjirnimada iyo dhalinyarada madaxa laga duufsado, waan uga horeyney dad kale oo dhan. Sababtoo ah Dagaalka Siiriya oo aan bilaaban, ayaa waxaa Soomaaliya ka socday dagaal ay wado Al shabaab.  Sidaas darteed soomaalidu waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee u istaagay in arintan wax laga qabto, iyada oo aysan dhibaatadu soo gaarin heerka ay maanta joogto. 

Alason ayaa sheegay in dadaalka ugu badan ee kahor tagista xagjirnimada dhalinyarada uu ahaa mid ay bixiyeen hooyooyinka iyo aabayaasha soomaaliyeed ee Norwey degan. oo ah dadka ugu badan oo ay saameynta iyo dhibtan arintan soo gaarto, marka dhalinyaradooda madaxa laga duufsado.

Goor hore ayaan aragnay baaxada ay leedahay dhibaatooyinka xagjirnimada, waxaana isku daynay inaan ka dhex muuqano dhamaan doodaha iyo kulamada looga hadlayo arintan.  

Waxay soomaalidu qayb ka ahaayeen diyaarinta qorshaha kahor taga xagjirnimada ee wadanka oo dhan, sidoo kale waxaan ka qayb aheyn diyaarinta qorshayaasha kahortaga xagjirnimada heer gobal ilaa mid degmo. Sanad walba waxaan  ka qayb qaadanaa kulamada sanadlaha ee looga hadlayo arimahan, anagu isku dayayno inaan ka qaybqaadano xalinta dhibaatadan, maadaama aan aqoon weyn u leenahay ka soomaali ahaan. 

Allason ayaa sidoo kale sheegay in sanadkii 2010 uu wafdi soomaali ah oo reer Norwey ah ay booqasho ku tageen magaalada Minneapolis oo ah meelaha ugu badan oo ay ka baxeen dhalinyarada u dagaal tagay Soomaaliya.

1537658_10202342818811468_8157330753711147773_oWaxaan kulamo Iskaashi iyo aqoon iswaydaarsi ah la yeelanay jaaliyada reer Minneapolis, iyaga oo nooga digay in aan marno wadadii ay ayagu mareen. Waxaan halkaas kasoo kordhisanay aqoon badan oo la xiriirta sida looga hortago arimahan xagjirnimada. Sidoo kale waxay reer Minneapolis noo sheegeen in aan nalooga hormarin ama aanan marti ka noqon goobaha iyo kulamada arimahan looga hadlayo, maadaama saameynta ugu badan ay soomaalida ku yeelan doonaan. Waxay noo sheegeen in aan labo mid kala doorano:

 

 

Hashi Shafi(sawirka kore): Inaan noqona cuntada miiska saaran ee la qaybsanayo, ama aan kamid noqono dadka miiska fadhiya ee cuntada dalbanayo.

Alason ayaa mahad gaar ah u celiyay safaarada mareykanka ee wadankan Norwey, taas oo ahayd midii isku xirtay jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, Denmark, Sweden iyo waliba magaalooyin kamid ah mareykanka sida Minneapolis. Wuxuuna sheegay in safaaradu ay qarash iyo dadaal badan ku bixisay sidii arintan wax looga qaban lahaa.

Ugu danbeyn Alason ayaa ugu hambalyeeyay jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey sida ay u muujisay dadaalka iyo isku duubnida la xiriirta kahor tagista arintan xagjirnimada. Wuxuu sheegay in taas micnaheeda aysan aheyn in guul dhameystir ah laga gaarey arintan, balse lasii wado dadaalka la xiriira kahor tagista dhalinyarada soomaalida ah ee sida khaladka wax looga dhaadhicinayo. 

 

Xigasho/kilde: Utrop, TV2

[adsenseyu1]

 

- Advertisement -
Latest news
- Advertisement -
Related news
- Advertisement -spot_img
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x