lørdag, april 20, 2024

Oslo: Dacwadii loo heystay gabadha soomaalida ah ee xabada lagu dhuftay Grønland oo laaley

Xafiiska garyaqaanada dowlada, qaybtiisa Oslo ayaa maanta shir jaraa-id oo ay qabteen ku sheegay inay laaleen dacwadii loo heystay gabadha soomaalida ah oo ay booliska Oslo xabada ku dhufteen sanad kahor.  Waxayna go-aankooda ku sababeeyeen in uu shaki kujiro in gabadha uu xiskeedu kaamil ahaa, xiliga uu falkan dhacayay.

[adsenseyu2]

Sidoo kale xafiiska garyaqaanada ayaa goor sii horeysay laaley dacwadii loo heystay ninkii askariga ahaa ee xabada ku dhuftay gabadha, iyada oo la sheegay inuu ku saxsanaa qiimeyntiisa ku aadan inuu xabada rido xiligaas uu falku dhacayay: Halkan ka akhri faahfaahintiisa.

Gabadhan soomaalida ah ayaa waxaa markii hore lagu soo oogay dacwad ah inay mindi ku dili rabtay wiil sideed jir ah, iyo inay cunfi(gacan kahadal) kala hortagtay askari dowladeed. Waxaana isbitaalka kadib, lageeyay xabsiga, iyada oo halkaas mudo ku xirneyd, inta aan dib danbe xabsiga looga sii deyn. Dhowr bilood ayay dacwad oogayaasha boolisku badaleen dacwadoodii hore, iyaga oo meesha ka saaray kiiskii dilka ahaa, una badalay dacwadooda inay gabadhu rabtay inay dhaawac ama wax yeelo jir ahaaneed geysato.

Ilaa hada ma cada sharaxaada rasmiga ah oo ay boolisku ama dacwad oogayaasha dowlada ka bixiyeen dhacdadan. Yey noloshiisa khatar kujirtey?. Ma askariga xabada gabadha riday, mise wiilka yar ee goobta ka agdhawaa. Maxay boolisku markii hore warbaahinta ugu faafiyeen inay gabadhu dili rabtay wiil yar, iyaga oo aan dhacdadan si fiican u baarin?. 

Wargeyska Aftenpostenka ayaa garyaqaanada waydiiyay su aal ah: Maadaama markii hore gabadha lagu soo oogay dacwad ah inay rabtay inay dil geysato, miyeysan aheyn in kiiskaas khatarta lasii wado oo aan la laalin?

Garyaqaanada ayaa ku jawaabay: Dacwada lagu oogay gabadha waxaa loo badaley inay rabtay inay waxyeelo ama dhaawac jir ahaaneed oo daran geysato. Waxaan qiimeynay inaan geyno meelaha sida qasabka ah loogu xanaaneeyo dadka dhimirkooda uusan dhameyn, balse waxaa noo muuqato in khatar noocan oo kale aysan gabadhu mar kale geysan doonin. 

Markale ayuu Aftepostenku garyaqaanada waydiiyay: Dadka qaar ayaa qabi kara fikir ah in kiiska aad u xireysaan oo laaleysaan, si dacwada iyo muranka ka dhashay kiiskan uu meeshaas uga xirmo, maadaama ilaa hada aan la heynin sharaxaad sugan oo ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen?

Garyaqaanada ayaa ku jawaabay : in ay go-aanka laalista dacwada loo heysto gabadhan soomaalida ah uu ahaa mid adag oo culeykiisa leh. Waxy kaloo sheegeen in kiiskan ay u baareen una qiimeeyeen si lamid ah sida kiisaska kale oo dhan, uusan jirin wax ku gaar. Waxay hadalkooda raaciyeen in aysan dacwada sii wadi karin, maadaama uu shaki kujiro taam ahaanta maskax ahaaneed ee gabadha, marka uu falkan dhacayay.

Aftenpostenka ayaa hadana waydiiyay: Boolisku  hada ma waxay qabaan in eedaysanuhu(gabadha) ay xabada ugu rideen si ay uga hortagaan inay mindi ku weerarto cunuga yar, mise waxay xabada ugu rideen iyaga oo ka cabsi qaba inay iyaga(booliska) soo weerarto?

Garyaqaanada booliska ayaa ku jawaabay: Wey adagtahay inaan su aashaas ka jawaabno hada. Dhaq-dhaqaaqyada dhamaan dadka qaybta ka ahaa dhacdadan iyo meesha ay ku kala sugnaayeen, waa kuwo aan rabno inaan ku xaqiijino waraysiyo cusub.

Qareenka difaacayay gabadha soomaalida ah ayaa sheegay inay ku faraxsantahay in kiiskan laga soo xiro, oo ay dhinac isaga dhigto. Wuxuu kaloo sheegay in ay wali gabadhu qabto oo aaminsantahay inay geysan wax danbi ah. Qareenkan oo lagu magacaabo Odd Ivar Grøn ayaa hadalkiisa raaciyay:  Wali kama aanan wada hadlin inaan kiiska sii wadno, maadaama aan hada go-aan laga gaaray danbi ciqaabeedkii lagu soo oogay. 

Xigasho/kilde: Aftenposten, VG, NRK, NETTAVISEN  Dagbladet.

[adsenseyu1][adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x