lørdag, april 20, 2024

400 qof soomaali ah oo looga shakisanyahay inay isdabaris ku sameeyeen canshuurta iyo ninkii warqadaha u buuxin jirey oo la qabtay

Wargeyska Aftenpostenka ayaa maanta soo daabacay warbixin dheer oo ay uga hadlayaan shaqsiyaad ajaaniib ah, oo dadka ka caawin jirey inay si khaldan u buuxiyaan warqada xisaabxirka canshuurta qofka ee selvangivelsaha. Waxaana dadkan howsha wax isdaba-marinta ah loo qabtay ay kasoo jeedaan wadamada Pakistan, Somalia, Poland, Srilanka iyo waliba naag la sheegay inay Aasiyaan tahay. Kooxdan la qabtay ayaa warqadaha canshuurta u buuxiyay dad gaarayo 4000 oo qof , kuwaas oo waaxda canshuurta ka khiyaameeyay lacag dhan isku dar 400 milyan nok.

Shaqsiyaadka la qabtay ayaa dadka ka qaadan jirey lacag khidmo dulsaar ah oo gaareyso ilaa shan boqol(500) oo gacanta hore ah iyo 30% lacagta qofka loo soo celiyo oo ay sida khiyaanada ah kusoo dhiciyeen. Dad warqadaha loo buuxiyay ayaa waxaa kamid ah nin khiyaano ahaan ah loogu buuxiyay 700 000 nok oo uusan xaq u laheyn.

[adsenseyu2]

Sida uu wargaysku qoraya waxay sanadkii 2011 waaxda canshuuraha Oslo ay qabteen nin dhalashadiisu ay tahay Pakistani, kaas oo ka shaqeyn jirey warshada Coce-cola ee Lørenskog. Ninkan ayaa markii danbe qirtey inuu dad gaarayo 850 qof u buuxiyay warqada xisaabxirka canshuurta, wuxuuna sheegay in uu dadka uu kula kulmi jirey shaqadiisa iyo waliba masaajidada Oslo qaarkood. Wuxuu kaloo sheegay in dadka uu warqada u buuxiyay ay kujiraan dad badan oo kala shaqeyn jirey warshad Coce-colada.

Sanadkii 2012 ayay waaxda canshuuruhu ka warheleen haweeney aasiyaan ah oo degan duleedka Oslo, taas oo dadka ka caawin jirtey inay buuxinta warqadaha xisaabxirka canshuurta. Haweenaydan ayaa waxaa ka hoos shaqeyn jirey ilaa 60 qof oo kale oo magaalada kasoo uruurin jirey dadka warqadaha loo buuxinayo, haweenayduna waxa ay ahayd maamulaha qarsoon ee kooxdan lixdanka qof ka kooban. Waxaa lagu soo dacweeyay inay buuxisay warqado gaarayo ilaa 3000, dacwadeeduna wali wey socotaa.

-400 qof oo soomaali ah

Kadib markii ay waaxda canshuuruhu barteen habka ay u shaqeeyaan shaqsiyaadkan ayay sheegeen inay baaritaan ku sameeyeen warqadaha xisaabxirka ee qowmiyadaha ajaaniibta ah qaarkood. Waxay sheegeen inay raadinayeen warqado badan oo wato hal saxiix oo isku mid ah, ama si isku mid ah loo buuxiyay.  Waxaana halkaas kasoo baxay dad gaarayo 400 oo qof oo soomaali oo looga shakisanyahay inay isbada mariyeen lacag gaarayso 80 milyan NOK.  Dadkan  soomaalida ah ayaa isugu jiro shaqsiyaad caadi ah oo shaqeeyo, kuwo iska leh shirkado iyo qaar ka shaqeeyo ururo frivillig ah.  

Sanadkii 2015 ayay sheegeen inay howlgal ku qaadeen adressyada shaqsiyaad soomaali ah oo looga shakisanyahay inay afartan boqol ee soomaalida ah ay ka caawiyeen buuxinta warqadaha xisaabxirka canshuurta. Kooxdan ayaa waxaa udub dhexaad ah  nin soomaali ah oo dukaan ku heysto Oslo, kaas oo dad gaarayo boqolaal u buuxiyay warqada canshuurta. Warqadahaas oo ay waaxdu sheegtay  in hal gacan lagu saxiixay, si isku mid ahna loo buuxiyay. Waaxda canshuuraha ayaa sheegay inay soo gabo gabeeyeen baaritaanka kiiska ninkan, mardhowna ay boolisku bilaabi doonaan dacwadiisa. 

-Dhaawac iyo sumcad daro

Waaxda canshuuraha ayaa sheegayso inay ku dabo jiraan ilaa 17 kooxood oo kale oo dadka ka caawinayo inay isdabo mariyaan warqada xisaabxirka canshuurta. Waxayna sheegeen inay jiraan boqolaal qof oo kale oo si khaldan ku helay lacag aysan shaqeysan ama looga jarey lacag ay ahayd inay bixiyaan.

Sidoo kale waaxda canshuuraha ayaa sheegay in arintan ay dhaawac weyn iyo weerar toos ah ay ku tahay systemka canshuuraha wadankan Norwey oo ku dhisan kalsooni iyo is aaminaad. 

Warbaahinta xagjirka ah oo saaka durba bilaabey inay dhaleecaayn dadka ajaaniibta ah, iyaga oo qoraya in marka hore aysan ajaaniibtu shaqeyn, hadii ay shaqeeyaan ay wali wadaan khiyaano iyo wax isdabo marin. Waxayna qorayaan in khiyaanada iyo isdabo marinta ay ajaaniibtu kala yimaadeen wadamadoodii…


I fjor vår aksjonerte politiet og skattejegerne mot flere adresser i Oslo etter mistanke om at 400 norsksomaliere urettmessig skal ha krevd fradrag for rundt 80 millioner kroner..Sentralt i denne saken står en kioskeier som er siktet for å ha levert inn et tresifret antall selvangivelser hvor det med lik håndskrift var krevd fradrag for samme beløp på nøyaktig de samme postene…Les mer på norsk her:

Xigasho/kilde: Aftenposten  Adressa.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x