lørdag, april 20, 2024

Stavanger: Naag timojare ah oo diiday inay gabar muslimad ah u adeegto oo la ganaaxay

Waxaa maanta maxkamada  darajada labaad ee magalaadaStavanger kusoo gabagaboobey dhagaysiga dacwada naag timojare ah oo diidey inay u adeegto gabar muslimad ah, xijaabkeeda darteed. Waxaana timajarahan lagu xukumay inay bixiso lacag ganaax ah oo dhan 15 ooo nok. Dacwadan iyo dhagaysiga kiiskan oo socotay mudo isbuuc ah, ayaa waxaa aad wax uga qorayay warbaahinta waaweyn ee Norwey, iyo qaar kamid ah kuwa caalamka.

Naagtan timojare ah oo lagu magacaabo Merete Hodne ayaa si toos ah u diiday inay u adeegto gabadhan muslimada ah, iyada oo ka codsatay inay uga baxdo goobteeda timojarka, maadaama ay wadato xijaab iyo dhar ka turjumayo dhaqan iyo diin dumarka cadaadiyo. Waxaa kaloo xusid mudan in Merete Hodne ay horey uga tirsaneyd dhowr ururkii burburay ee norwegian defence league oo ahaa urur cunsuri ah oo kasoo horjeedo in dadka muslimiinta ay degenaadeen wadamada galbeedka.

[adsenseyu1]

Malika Bayan oo ah gabadha muslimada ah ee dhibta loo geystay ayaa sheegtay inay u tagtay goobta timojarka, si uga ogaato qiimaha ay wax kujarto, laakiin inta aysan afka kala furinba lagala hortagey caay iyo naceyb, ugu danbeyna lagu qasbey inay goobta isaga baxdo, kadib markii ay u adkeysan weyday ereyada naceybka ah ee naagtan timajaraha ah afkeeda kasoo baxayay. Waxay arintan ku wargalisey wargeysyada lokalka ah ee deegaankeeda, iyada oo ugu danbeyna u gudubtay warbaahinta waaweyn ee wadanka. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Malika ay tahay gabar asalkeedu uu norwiiji yahay, oo soo muslimtey sanado kahor.

Malika Bayan ayaa maxkamad la fuushey naagtan timo-jaraha ah, waxeyna maxkamada darejada sadexaad ee gobalkaas ku xukuntayn 8000 kr. Balse timajaraha ayaa rafcaan ka qaadatay go-aanka maxkamada, iyada oo kiiskeeda u gudbisay maxkamada gobalka, taas oo iyadna markeeda maanta naagtan tima-jaraha ah ku xukuntay 15 000. 

Inta ay socotay dhagaysiga maxkamada waxaa warbaahinta waaweyn ee Norwey iyo waliba sosial-mediayaha ka socdey doodo kala duwan, oo ku saabsan arintan. Siyaasiin ka tirsan xisbiga FRP ayaa taageero weyn u muujiyay naagtan timo-jaraha ah, iyaga oo sheegay inay ku saxsaneyd go-aankeeda ay ku Malika Bayan. Carl i Hagen oo ah gudoomiyihii hore ee xisbiga FRP, hadana ah hogaamiyaha ruuxiga ee xisbigaas ayaa taageero weyn u fidiyay Timajarahan, isaga oo sheegay in xijaabku uu calaamad u yahay islaamka xagjirka ah, uuna jeclaan lahaa in gabagiisaba laga mamnuuco goobaha dadweynaha ee wadankan Norwey. Peter Nicolai Myhre oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga FRP ayaa xijaabka la meeldhigay uniformkii ay xiran jireen askartii Naziga Germany, xiligii uu wadankaas ka talin jirey Adolf Hitler. 


Frp-politiker sidestiller hijab og nazikostyme etter frisørdommen

-Frisør Merete Hodne (47) på Bryne ble mandag dømt til å betale 15.000 kroner for å ha nektet hijabkledde Malika Bayan (24) adgang til salongen sin.

les på norsk her:

Xigasho/kilde: NRK1, NRK 2  TV2 [adsenseyu1]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x