Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan dadweynaha kunool Oslo iyo nawaaxigeeda inay kasoo qeybgalaan xaflada soo dhaweynta xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya DR. Ahmed Ali Dahir oo Norwey u yimid howlo la xiriiro difaacida bad Soomaaliya.
Taariikhda xaflada soo dhaweynta xeer ilaaliha waa maalinta axada ah ee 25-09.2016. Goobtu ay ka dhacayso xaflada soo dhaweynta xeer ilaaliyaha waa Røde kurs, ama adresska: Huasmansgate 7, 0186 Oslo.
Wixii faah-faahin ah ee la xiriira soo dhaweynta xeer ilaalaha qaranka kala xiriir telefoonadan:
90135446 ama 91270090.
Kuligeen aan muujino qadiyad mideysan oo ku aadan difaacada bada qaranka soomaaliyeed. Maalintaas waa in ugu yaraan aan hoolka usoo buuxino xeer ilaaliyaha, si aan u muujino taageeradeena ku aadan difaaca dhaxalka iyo mustaqbalka ubadkeena.

