fredag, april 26, 2024

Haweenka Soomaalida oo ah kuwa ugu badan ee ilmaha lagu qalo xiliga dhalmada

Kjersti Bakken waa umuliso ka howlgasha qaybta dhalmada ee isbitaalka Bærum. Intii u dhaxaysey sanadkii 2006 ilaa 2013 ayay baaritaan ku sameysay xiriirka ka dhexeeyo wadanka ay haweenka isbitaalka ku umula kasoo jeedaan iyo dhibaatooyinka dhaca xiliga foosha. Dhamaadkii isbuucii hore ayay soo bandhigtey baaritaankeeda oo ay ka diyaarisey PHD-grad.

Journaalka gaarka ay oo ay leeyihiin dhakhaatiirta iyo daawooleyda(farmasøyter) ee Dagens medisin, ayaa warbixin ka qoray baaritaanka Kjersti. Warbixinta umulisadan oo dheer ayaa waxyaabaha ku xusan waxaa kamid ah:

-in dumarka ka yimid wadamada afrika, gaar ahaana Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu badan ee khatarta la kulma xiliga foosha ama dhalmada. 

-in dumarka soomaalidu ay xiliga uurka la kulmaan stress iyo wel-wel keena in xaalada ilmaha uurka ku jiro, aysan noqon sidii laga rabay.

-In khatarta ay dumarka soomaalidu ugu jiraan in ilmaha lagu qalo xiliga foosha ay labo jibaar ka badantahan tan dumarka norwiijiga.

-Khatarta ay dumarka soomaalidu ugu jiraan inay dhalaan ilmo uu miisaankiisu ka yaryahay miisaanka caadiga ah ee ilmaha dhasha, ay afar jibaar(4X) ka badantahay tan dumarka kale oo ay xaaladooda daristay.

-Sidoo kale waxay warbixinteeda ku sheegtay in khatarka ay dumarka soomaalidu ugu jiraan inay dhaafaan xiliga loo qabtay ee dhalmada ay labo jibaar(2X) ka badantahay, tan dumarka norwiijiga

-in isticmaalka dumarka soomaalida ee epidural(nooc xanuun baabiye ah?) uu yahay mid aad u yar. 

Kjersti ayaa sheegtay in loo baahanyahay in wax weyn laga qabto dhibaatooyinka dumarka ajaaniibta ah ee xiliga dhalmada, si loo yareeyo farqiga u dhaxeeyo dumarka ajaaniibta ah iyo kuwa wadanka ku dhashay. Waxayna codsaday in wax laga badalo systemka isbitaalada ee xiliga dhalmada, lana shaqaaleysiiyo turjumaano xirfadooda aqooneed ay aad u sareyso, si xaalada dumarkan loola socdo si gooni ah.

Waxay soo jeediay in turjumaan aqoontiisu sareyso uu joogo goobta xiliga ay haweenkan foolanayaan, si xiriirka iyo wadahadalka ka dhaxeeyo umulisada iyo hooyada xiliga foosha, uu u noqdo mid fudud. Kjersti ayaa qireyso in ay dhibaatooyin xaga luuqada ah la kulantay marar badan oo ay ka foolineysay dumar ajaaniib ah.

Umulisadan ayaa sidoo kale soo jeedisay in talooyin fiican dumarka ajaaniibta ah laga siiyo cuntada ay cunayaan xiliga ay uurka leeyihiin. Sidoo kale ay u baahanyihiin taageero maskaxeed iyo waliba mid aqooneed, maadaama qaar badan oo iyaga kamid ah aysan aqoon caafimaad oo badan u laheyn uurka iyo dhalmada.

bernadette-kumar-mai-2012Bernadette Kumar oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka soo galootiga iyo dadka laga tiro badanyahay ayaa sheegtay in warbixinta Kjersti ay tahay mid aad u qiimo badan, oo iftiiminayso waxyaabo badan oo aan horey aqoon fiican loogu laheyn.W

Waxay hadalkeeda raacisay in warbixintan ay hordhigi doonaa wasaarada caafimaadka Norwey, iyaga oo ka rajo qabo in ay wax ka qabtaan farqiga u dhaxeeyo dumarka ajaaniibta ah iyo kuwo wadanka u dhashay.


Somaliske kvinner hadde dobbelt så høy risiko for akutt keisersnitt og nesten fire ganger større risiko for å føde små barn, sammenlig- net med norske kvinner... les mer på norsk:

Xigasho/kilde: dagens medisin papiravis( 22-09-2016, side 23)

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x