Maamulka dugsi sare oo kuyaalo wadanka Denmark, ayaa amray in ardeyda iskuulkaas dhigata loo kala sooco kuwa daanish-ka dhaladka ah iyo kuwa ajaanibta ah. Iskuulkan oo lugu magacaabo Langkaer ayaa wuxuu ku yaala gobolka Århus ee dalkaasi. Dugsigan ayaa ku dhaqaaqay talaabo ah in loo kala qeybiyo sadex fasal oo ardeyda dhigataa ay leeyihiin magacyadooda dambe ( magagaca waalidka) Jensen iyo Hansen, halka ardeyda kale aan heeysan magacyada daanish-ka meel la iskugu leexiyo, si ay noqdaan 50-50 oo siman.
Maamulaha iskuulkaas Yago Bundgaard oo u waramayey wargeyska lugu magacaabo Jyllandsposten, ayaa sheegay in talaabadaasi uu qaaday kadib markii uu arkey in ardeyda dhaladka Danishka ay iskuulka ku yaraanayaan, kuwii soo galana ay sanad kabacdi iskuul kale u badalanayaan.
Wuxuu sheegay in sanadkii 2007 ardeyda ajaaniibta ah ee iskuulka dhigataa ay ahaan jireen 25%, hada sanadkan 2016 ay noqdeen 80%. Hadii ardeyda dhaladka la dhex geeyo fasal ay ku badanyihiin ardey ajaaniib ah, waxaad ku adkaanayso inay sifiican iskuulka uga soo baxaan, sidaas darteed ayay iskuulkan uga baxaan oo mid kale u badashaan.
[adsenseyu1]