fredag, april 19, 2024

Boqorka Norwey oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay xaflada sanadguuradiisa, soomaalidana kusoo hadal qaaday

Boqorka Norwey  Kong Harald ayaa maalintii shaley ahayd khudbad taariikhda gali doonto ka jeediyay xaflada sanadguurada 25-aad ee kasoo wareegtay markii loo caleemo saaray xilka boqortinimada. Kong Harald ayaa khudbadiisa si weyn ugu xusay kala duwanaanshaha shacabweynaha ku dhaqan wadankan, isagoo cadeeyay in dadka norwiijiga ah ee halkan kuwada nool ay kala yimaadaan dacalada wadankan iyo daafaha caalamkaba. 

Kong Harald ayaa khudbadiisa si weyn ugu xusay qiimaha ay leedahay wadajirka, wada noolaha iyo wax wada qabsiga, Isagoo ku booriyay in qof walba uu mas-uuliyad iska saaro sida uu wax uga gaysan lahaa, ugana qaybqaadan lahaa arintaas.

Dadka norwiijiga qaarkood waxay aaminsanyihiin Gud/God, qaarkood waxay aaminsanyihiin ilaahay, qaarbaa labadaba wada rumaysan, halka qaar kalena aysan waxbo rumaysneynba. Dadka norwiiga ah waxay ka yimaadeen gobalada woqooyiga, koonfurta, gobalada Trønderlag iyo dhamaan gobalada kale oo dhan ee wadanka. Dadka norwiijiga ah qaarkood waxay ka imaadeen  Somalia, Afghanistan, Pakistan, Polend iyo Syria. Aniga awoowayaashey waxay kasoo haajireen Denmark iyo England 110 sano kahor. Mar walba ma fududa inaad helno meesha aan ka nimid dhalasho ahaan ama dowlada aan u dhalaney. Gurigeena waa meesha uu qalbigeenu/wadnaheenu jiro, mar walbana qalbigeena kuma soo oodi karno xuduud wadan.

Khudbada boqorka ayaa ilaa xalay si aad ah looga hadal hayay baraha bulshada, gaar ahaan facebooga oo lagu faafiyay(share gareeyay) in kabadan boqol kun oo jeer. 

Xaflada sanadguurada 25-aad ee Kong Harald V oo ay kasoo qaybgaleen marti sharif iyo dad magac kuleh wadanka,  ayaa shaley ka dhacday qasriga boqortooyada Norwey. Waxaana dadka xafladaas joogay kamid ahaa reysulwaaraha wadanka Erna Solberg iyo inta badan golaheeda wasiirada. Sidoo kale waxaa xaflada lagu casuumay marti sharaf lagu soo xulay shaqo bulsho oo ay qabteen, gobalba walba laga soo xulay 50 qof. Waxaana dadkaas sida gaarka loo casuumay kamid ahaa ilaa 8 qof oo soomaali ah, oo ay kamid yihiin Xuseen Cabdi Yuusuf(Harstad), Abdirizak Mohamed(Lillehamar) , Abdi Mohamed(Florø) iyo Safiyo Abdi Haase(Østfold). 

DSC_0341

 

Nordmenn tror på Gud, Allah, Altet og Ingenting.Nordmenn har også innvandret fra Afghanistan, Pakistan og Polen, Sverige, Somalia og Syria. Mine besteforeldre innvandret fra Danmark og England for 110 år siden ….Les mer på norsk her: 

Kilde/xigasho: Aftenposten  [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x