tirsdag, april 23, 2024

Xisbiga FRP oo raba in haweenka muslimka ah laga mamnuuco inay ku dabaashaan Burkini(Maro jirka dhan qarisa)

Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay saxaafada caalamka inteeda badan iyo baraha bulshada ee unternetka, aad looga hadalhayay sawirka gabar muslimad ah oo afar nin oo booliska fransiiska ka tirsan ay qasab uga siibayaan burkini, oo ah maro loo sameeyay inay wada asturto(qariso) jirka haweenka xiliga dabaasha. Booliskan ayaa fulinayay sharci dhawaan laga dhaqan-galiyay dhowr magaalo oo kuyaalo xeebaha wadanka France, kaas oo sheegaya in aan haweenka maryahan xiran aysan imaan karin xeebaha dadka ku dabaalanayaan. 

Sawirada gabadhan muslimida ah oo meesha banaanka ah qasabka looga bixinayo marada ay xirantahay, ayaa kiciyay shucuurta dad badan oo daafaha caalamka kunool. Reysulwasaaraha Canada, Ururada xuquuqul insaanka, ururada xuquuqda haweenka, qaar kamid ah madaxda carabta iyo meelo kale oo caalamkaba ahba waxaa arintan loo soo jeediyay dhaleeceyn aad u balaaran, maadaama ay sheegeen in sharcigan uu ku xadgudbayo xaqa iyo xoriyada uu qofka u leeyahay inuu xirto waxa uu isagu rabo.

Sidoo kale dadka ku xeel-dheer arimaha xagjirnimada ayaa sheegay in sawiradan ay ahaayeen hadiyado loo hibeeyay ururada argogixisada, maadaama ay arintan ka dhigan karaan cadeyn buuxdo oo ay u adeegsadaan filamadooda mustaqbalka, marka ay rabaan inay soo bandhigaan xaalada ay ku suganyihiin muslimiinta caalamka iyo sida loo cadaadiyo. Aqoonyahada galbeedka qaarkood ayaa sidoo kale sheegay in arintan ay god ku ridayso xoriyadii iyo horumarkii ay wadamada galbeedku ugu faani jireen dunida inteeda kale.

[adsenseyu1]

Hadaba iyada oo ay jirto in dadka intiisa leh aragtida fog ay arintan aad uga soo horjeedaan, ayaa waxaa soo baxayo in xisbiga FRP uu rabo inuu sharci noocan oo kale ah ka hirgalayo wadankan Norwey. Aina Stenersen oo ah gudoomiyaha xisbiga FRP qaybtiisa Oslo, ayaa sheegtay inay aad ula dhacsantahay sharcigan laga hirgaliyay France, ayna rabaan in mid kaas lamid ahna ay ka dhaqan galiyaan Norwey. Iyada oo sheegtay in Burkinigu uu kasoo horjeedo isdhexgalka bulshada. 

Haweenaydan oo kamid ah goloyaasha sare ee FRP ayaa la waydiiyay su aal ah: sida ay suurtogal ku tahay in FRP oo sheegta inuu yahay xisbi Liberal ah oo u taagan inuu qof walba loo tixgaliyo doorashadiisa, uu hada uga shaqeynayo in qof laga mamnuuco wax uu rabo inuu mirto.

Waxay ku jawaabtay in xisbigeeda uu ku mashquulsanyahay integrering(isdhexgalka bulshada), sidaas darteedna ay  mar-marka qaarkood laga maarmaan tahay in la adeegsado mamnuucid, si meesha looga saaro waxyaabaha keeni kara in isdhexgalka bulshadu uu hoos u dhaco.  Tusaale ahaan, waxaan ogolnahay in dadku furan karaan iskuulo privet ah( gaar loo leeyahay), laakiin waxaan kasoo horjeednaa in Norwey laga furo iskuul islaami ah oo gaar loo leeyahay. 

Aina Stenersen ayaa sidoo kale sheegtay inay rabto in ganaaxa lagaceed ee la saarayo qofkii lagu arko isagoo ku dabaalanayo Burkini, la balaariyo oo laga dhigo ilaa 500 kr. Iyada oo intaas ku dartay in xisbigeedu ay diyaariniyaan programka doorashada, ayna mamnuucida Burkinigu ay kamid noqon doonto prograka doorashada sanadka danbe.

Wargeyska Aftenpontenka ayaa waydiiyay haweenaydan in sidoo kale la ganaaxi doono qof walba oo maryo jirkiisa wada asturaya qaba xiliga dabaasha( waxaa jiro dadka qaarkii qoraxda neceb, oo iyagana ku dabaasha maryo waaweyn si jirkooda aysan qoraxdu u qaban).

Waxay si kalsooni kale leh ugu jawaabtay in: Mamnuucida iyo ganaaxu uu khuseeyo oo kaliya haweenka qaata burkiniga, balse dadka intiisa kale ay xiran karaan wax alaale wixii ay rabaan.

Xigasho/kilde: Aftenposten [adsenseyu1]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x