lørdag, april 20, 2024

Sylvi Listhaug: Waxaan ka wel-welsanahay xaalada xaafadaha Grønland/Tøyen

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dowlada Norwey Sylvie Listhaug ayaa shaley booqasho ku tagtay xaafada Grønland, iyada oo sheegtay inuu wel-wel weyn ku hayo xaalada cakiran ee  xaafadaas. Listhaug oo shir jir-aaid ku dhex qabatay bartamaha xaafada Grønland ayaa sheegtay in hadii aan wax laga qaban xaaladaha xaafadan ay ka cabsi qabto in ay noqdoon kuwo geeri go-an ka ah magaalada inteeda kale, maadaama ay isku uruursadaan dad u badan soo galooti, krimanalitetka iyo falalka danbiyada ah ee ka dhaca xaafadana ay aad u badanyihiin marka loo eego magaalada ama dalka intiisa kale.  

Listahuag ayaa hadalkeeda raacisay in xaafadahan ay ku badanyihiin qoysas ajaaniib ah oo caruur badan haysta, degana guryo yar-yar oo ciriiri ah, dhalinyaro iskuulada ka dhacay, shaqana aan haysan sidaas darteedna degan guryaha dowlada, dhalinyaro kale oo ka shaqeeyo howlo la xiriiro kriminalitet iyo waliba dhalinyaro kale oo xaafada ku dhex wato hub. Iyada oo sheegtay in hadii intaas ay isbiirsadaan oo aanan wax laga qaban, ay ka cabsi in uu xaalka xaafadan ay ku danbeyn do onto sida ay noqdeen xaafado kuyaalo magaalooyinka Sweden qaarkeed. Iyada oo sheegtay in dhawaan ay kulan la yeelan doonto gudoomiyaha golaha deegaanka ee Oslo Raymond Johansen si ay uga wada hadlaan xaalada sii cakirmeysa ee xaafadahan. 

Taliyaha booliska Oslo Hans Sverre Sjøvold ayaa sidoo kale ka deyriyay xaalada xaafadan, maadaama ay ku badanyihiin dhalinyarada ajaaniibta ah ee ka shaqeeya howlo ku lug-leh kriminalitetka iyo kuwa iibiya daroogada. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada qaarkeed ay bilaabaan inay daroogo iibiyaan, iyada oo da´doodu tahay 10 ilaa 12 sano. Sababta ugu weyn ee arintan keenaysana ay tahay dhalinyaradan oo aan wadanka sifiican ula qabsan ama ka dhacay iskuulada, shaqo kalena waayay. 

[adsenseyu1]

Taliyaha booliska ayaa sidoo kale ku raacay Listahaug in xaalada xaafadahan ay u baahantahay wax ka qabasho weyn. Isaga oo sheegay in aad u muhiim tahay in laga fiirsado dib u dajinta dadka ajaaniibta ah, lagana fogaado in dad badan oo ajaaniib ah, wadankana ku cusub ay hal meel wada degaan. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar uyihiin inay la shaqeeyaan hay-adaha kale ee dowliga ah, si wax looga qabto arintan xaafadan

image-11.256640.ba191d4079Gudoomiyaha xisbiga Rødt, Bjørnar Moxnes oo ah xubin kamid ah golaha deegaanka Oslo ayaa Sylvi Listhaug ku eedeeyay inay sawir cabsi ah oo aan xaqiiqada ku dhisneyn ay ka bixinayso xaalada xaafadahan. Bjørnar ayaa isla ahaantaana qiray in tirada dhalinyarada xaafadahan degan ee ka shaqeeyo howlaha kriminalitetka ay tahay mid aad u weyn, laakiin ay hoos u dhacdey sanadadii ugu danbeeyay.

Børnar ayaa sidoo kale sheegay in Listhaug iyo xisbigeeda FRP ay eeda sababta xaalka xaafadan heerkaas gaarsiiyay wax ku leeyihiin. Isaga oo gaar ahaan ku eedeeyay Listahug inaysan xaalka xaafadan wax ka qaban, markii ay fadhiday golaha deegaanka Oslo.

Dhalinyaradan maanta dhibta ka abuuraysa Grønland, waxay kusoo koreen oo ay noloshooda dhan degenaayeen Oslo oo ay Listhaug maamusho. Xisbiga FRP waligiis far uma qaadan wax ka qabashada xaalada guryaha dowlada. Waa in aan dadka wadanka ku cusub aan la isugu keenin hal meel, ee la dajiyaa daafaha magaalada. Hadii qof walbe la siiyo doorasha ah inuu dego meesha uu rabo, waxaa ugu danbeyn hal meel isugu uruuriyo saboolnimo iyo kriminalitet wadajir ah.

Xigasho/kilde: NRK, P4 [adsenseyu1]

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x