tirsdag, april 23, 2024

ilaa 23 qof oo soomaali ah oo shaqooyinkoodii waayay, kadib markii UDI-du ay xirtay kaamamkii ay ka shaqeyn jireen

Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee UDI-da ayaa dhamaadkii isbuucii hore soo saartay war ay ku sheegayso inay albaabada u laabi doonto ilaa 55 mottak oo kamid ah kaamamka ay kunoolyihiin dadka qoxootiga ah. Waxayna UDI-du ku micneysan go aankan inay aad u yaraatay tirada dadka qoxootiga ah ee sanadkan iska soo dhiibiyay Norwey, ayna ka yaraatay tiradii la filayay inay imaadaan sanadkan 2016.  55 kaam ee albaabada loo laabayo ayaa ku kala yaalo wadanka daafihiisa, waxaa kaamamkan qaybo kamid ah la si kumeel gaar ah loo furay sanadkii hore ee 2015. 

UDI-da ayaa sheegtay inay kaamamka la xiri doono ay isugu jiraan kaamamka caadiga ah, kuwo transittka iyo waliba kuwa lagu hayo caruurta da´ahaan aan qaarin.  Waxaana ugu danbeyn kaamamkan la faaruqin doonaa 1.desember, maadaama kontraktiga(heshiisyada) kaamamka ay intooda badan ahaayeen sadex bilood.  

Isku dar dad kor u dhaafayo 500 oo qof ayaa shaqooyinkooda ku waayi doono, marka kaamamkan albaabada loo xiro ugu danbeyn kowda bisha Desember ee sanadkan. Waxaana dadkan shaqooyinka waayi doono tiro ahaan u badan norwiiji, iyada sidoo kalena ay kujiraan ajaanib.

[adsenseyu1]

Baaritaan aan ku sameynay wararka ay mediaha wadanka ka qoreen arintan ayaa kasoo saarney magacyada 23 qof oo soomaali ah oo kamid ah dadka shaqooyinkooda waayi doona, waxayna ubadanyihiin dad u shaqeynayay shirkada HERO oo ah shirked gaar loo leeyahay oo gacanta ku hayso 17 kamid ah kaamamkan la xiri doono. Waxaa laga yaabaa in tirada rasmiga ah ee dadka soomaaliyeed ee xiritaanka kaamamka ku shaqo waayay ay intaas ka badanyihiin. 

523177_10151215640718834_60895346_nMaxamed Bashiir Hønefoss oo mudo badan ka shaqeynayay, walina ka shaqeeya  kaamka Hvaslemoen ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in dadka arintan darteed shaqooyinka ku waayi doona ay isugu jiraan labo qaybood: Dad shaqo fast-ah ka haystay kaamamkan la xiri doono, iyo kuwo si kumeel gaar ahaan ah loo shaqaaleysiiyay sanadkii hore markii ay bateen dadka qoxootiga ah ee imaanayay wadanka, heshiiskeena uu ka dhacay aana loo cusbooneysiin. Hønefoss ayaa noo sheegay in saameynta ugu badan ee arintan ay ku yeelan doonto dadka sida rasmiga ah(fast) uga shaqeynayay kaamamka. 

 

UDI-da oo hada kujirto diyaarinta miisaaniyad-sanadeedka sanadka 2017 ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhawaad 30% dadkii sanadkii hore loo shaqaaleysiiyay inay ka shaqeeyaan ka jawaabida codsiyada magangalyada, ay shaqooyinkooda waayi doonaan. Arintaas oo iyadna abuurtay khal-khal xaga shaqooyinka ah oo soo wajahday dadkii sanadkii hore ay UDI-du shaqaaleysiisay, maadaama aanan wali la ogeyn qofka boorsado dhabarka loo saari doono dhamaadka sanadkan 2016.

xigasho/kilde: aftenposten, NRK [adsenseyu1]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x