Foto: Helle Østvik/Ifinnmark
Nasro Afrah waa gabar soomaali ah oo Norwey timid 7 sano kahor, shopingsenter ay soomaalida, ajaaniibta kale iyo norwiijguba ka adeegtaana ka furtay magaalada Hammerfest oo kutaalo cirifka woqooyi ee aduunka. Todobadaas sano oo ay Norwey joogtay waxay ku baratay oo meel saartay luuqadaha Norwiijiga iyo English, iyada oo sidoo kalena ku dhamaysay dugsiyada hoose-dhexe(grunnskole) iyo waliba kan sare(videregående). Nasro ayaa sidoo kale sheegtay inay shaqo fast oo fulltid ah haysatay ilaa iyo sanadkii 2010, iyada oo mudo kahorna furatay ganacsi iyada u gaar ah.
Lacag ay iyadu iskeed u urursatay ayay sheegtay inay ku furutay shopingsenterkan oo ay u magac dartay Mubarak shopsenter. Dukaankan ayaa ilaa iyo markii albaabada loo furayba noqday mid ay si isku mid ah uga adeegtaan dadka magaalada horey u degenaa oo norwiijiga ah iyo ajaaniibta magaalada ku cusuba. Bilowgii furitaanka ayay sheegtay inay taakuleyn ka codsatay kommunaha hammerfest, balse loo diiday. Sidaas darteedna lacagta uga baxday dukaanka iyo ka shaqeyntiisaba ay tahay mid ay iyadu bixisay oo cid kale oo ka caawisay aysan jirin.
Wargayska iFinnmark ayaa warbixin ka diyaariyay iyo Gabadhan dukaankeedaba. Nasro ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay inay maanta ay heerkan soo gaartay, balse ay bilowgii aad ugu wel-welsanayd sida uu dukaanka u socon doono. iyado oo intaas ku dartay in macaamiisha dukaanka ay ilaa hada kor u kacayaan isuguna jiraan cadaan, soomaali iyo soo galootiba. Nasro ayaa sidoo rabto inay sii balaariso dukaankeeda, ayna kusoo kordhiso qaybo cusub oo ay kamid yihiin khudaar iyo hilib, maadaama ay bateen macaamiisha waydiinayo inay hayso hilibka.
Nasro ayaa sheegtay in bilowgii ay aragtay in ay adagtahay in dharka ay xirtaan dumarka soomaalidu laga helo magaalada, oo ay ku khasbanyihiin in ama ay Oslo ka dalbadaan ama wadanka dibadiisa. Sidaas darteed ayay ku fakaraytay inay furto dukaan lagu gudo dharka dumarka soomaalida iyo waxyaabaha ay haweenka isku qurxiyaan. Laakiin hada waxan ugu badan ee laga gato dukaankeeda ay noqotay cuntada, iyada oo dadka kunool magaalada ay si isku mid ah uga adeegtaan.
Hooyadan oo haysato labo caruurta ah ayaa sheegtay in 2009 oo ah markii ay Hammerfest ay soo degtay ay ahayd meel wada cad oo qabow, ayna aad u cabsaneysay bilowgii. Laakiin markii ay baratay luuqada norwiijiga, ayna heshay shaqo fast ah, loona keenay labadeeda gabdhood oo ka maqnaa ay wax walba is badaleen. Waxay sheegtay inay heshay kalsooni iyo isku filnaansho, ayna ogaatay in Hammarfest ay tahay magaalo aan aheyn sidii ay u maleyn jirtay. Ayna fududahay in shaqo laga helo magaalada, saaxiibano lagu yeesho. Hadii uu qofka uu fadhiga ka kano oo uu wax uun sameeyo, wax badan ayaad helaysaa ayay hadalkeeda ku dartay.
Waxay sheegtay in markii ay Norway timaaday uu hamigeeda ugu weyn ahaa inay noqoto kalkiiso caafimaad(sykepleier), walina ay ku haminayso inay ka dhabayso arintaas. Laakiin waxay sheegtay in marka hore ay rabto in dukaanka ay si fiican isugu dubarido, ayna keento qof uga shaqeeyo, iyadna ay dib ugu noqoto oo halkii kasii wadato iskuulkeedii, maadaama ay dhamaysay dugsiga sare.
Nasro ayaa ugu baaqday in dumarka soomaalidu ay fadhiga ka kacaan oo kamid noqdaan bulshada ay la noolyihiin, isla markaana ay wax kuusoo kordhiyaan horumarka ka socdo deegaanada ay kunoolyihiin.
Xigasho/kilde: Ifinnmark [adsenseyu1]