torsdag, april 25, 2024

8 sano soomaali ah oo qarax lagu dilay Sweden

Dilka wiilkan yar ayaa yimid kadib markii guriga u joogey lagu soo tuurey bambo-gacmeed, kaas oo ku qaraxday guriga gudihiisa. Markii Booliska iyo kooxda gar-gaarka deg-dega ah ay soo gaareen guriga ayey heleen wiil yar oo ku dhaawacmey qaraxa, waxaana loo qaadey isbitaalka halkaas oo uu markii danbe ku geeriyoodey sida uu warbaahinta u sheegay Thomas Fuxborg oo ka tirsan Booliska gobolka Goteborg. Qaraxa waxaa ku dhaawacmey laba qof oo kale oo dhaawacoodu yahay mid fudud. Ugu yaraan shan carruur ah iyo weliba dhowr qof oo qan-gaar ah ayaa ku sugnaa guriga qaraxa lagu weeraray.

Wiilka geeriyoodey ayaa lagu magacaabaa Yusuf Warsame waxa uu ka yimid magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska isaga oo la socdey Hooyadiis Deeqa Cali Biixi  iyo laba kale oo walaalihiis ah. Waxayna fasax ku joogeen magaalada Goteborg, iyaga oo marti ku ahaa guriga lasoo weerarar, sida u qorey Joornaalka GP. Wiilka oo asalkiisu yahay Soomaali yahay ayaa ku dhashay dalka Ingriiska, haystana dhalashada wadankaas.

Booliska ayaa tuhmaya in weerarkan loo adeegsaday bambo-gacmeedkan uu salka ku hayo aargudasho. Guriga qaraxa lagu weeraray waxaa deganaa qoyska uu ka soo jeedo mid ka mid ah dhallinyaro dhawaan xabsiyo dhaadheer lagu xukumay dalka Sweden. Dhalinyaradan oo horey u geystey weerar ay labo qof ku nafwaayeen maqaaxi ku taala xaafadda Hinsinge ee magaalada Goteborg. Waxa uuna weerarkas dhacay sanadkii 2015.  

Booliska ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in weerar kale oo aargudasho ah lagu qaado kooxda la tuhunsanyahay inay ka danbeeyeen weerarkii lagu dilay sideed jirkan. Xaalada xaafada uu weerarkan ka dhacay ayaa ah mid aad looga deyrinayay sanadadii ugu danbeeyay, maadaama ay xaafadu u kala xirantahay kooxo gang ah oo uu ka dhaxeeyo dagaal.

Xigasho/kilde: Dagbadet, GP

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x