fredag, mars 29, 2024

8 bilood jir soomaali ah oo la indho beeshay dhaawac uu aabaheed soo gaarsiiyay dartiis, iyo aabaha iyo hooyada gabadha dhalay oo maxkamad lasoo taagay

Waxaa maanta magaalada Oslo ka bilaabatay maxkamadeynta aabe soomaaliyeed oo lagu soo dacweeyay in uu gabadhiisa yar gaarsiiyay jug iyo dhaawac sababay inay indhaha beesho, maskaxdana uu kasoo gaaro dhaawac weyn. Gabadha yar oo hada 8 bilood jir ah ayaa marka uu dhaawaca soo gaarayay jirtey afar isbuuc(hal bil) oo kali ah. Qareenka u doodaya gabadha yar ayaa sheegay in gabadhan aysan kasoo kabsan doonin dhaawac soo gaaray, maadaama ay u badantahay inaysan mustaqbalka awoodi doonin inay fadhiisato, socoto ama hadashaba. Iyadoo hadalkeeda raacisay in gabadhan inta ka dhiman nolosheeda, ay u baahantahay caawinaad joogto ah. 

[adsenseyu1]

Aabaha gabadha dhalay oo 31 sano jir ah ayaa iska fogeeyay eeda loo soo jeediyay, Isaga oo sheegay in xusulkiisa uu gabadha ku dhacay  isagoon u wadin, xili ay wada hurdeen joodari dhulka yaalay. Aabaha ayaa sidoo kale sheegay in uu kusoo kacay qaylada gabadha yar iyo xanuunka uu la xunuunsaday isku dhaca xusulkiisa iyo gabadhiisa yar. 

Dacwad oogayaasha dowlada iyo xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sheegay inaysan aqbalin sharaxaada aabaha, maadaama baaritaan ay sameeyeen kadib ay rumaysanyihiin in gabadha uu madaxa kasoo gaaray hal jug iyo wax kabadan, iyagoo sidoo kale sheegay inay rumaysanyihiin in gabadha ay la kulantay gilgilid(ruxitaan).

Aabaha ayaa maxkamada maanta ka sheegay in maalinta uu dhibkani dhacay habeenkeedii uu ka shaqeynayay taxi uu habeenkii wado, ilaa ay xaaskiisu soo wacday oo ka codsatay inuu guriga imaado maadaama ay gabadha yari ooyayso.  Aabaha ayaa sheegay in habeenkaas inta ka dhimaneyd uu hayey gabadha, isaga oo u maleynayay in xaaskiisa ay kala wareegi doonto marka ay hurdada kasoo kacdo subixii. Balse hooyada ayaa subixii sii aaday balan ay ku laheyd xafiiska NAV. 

Garyaqaanka dowlada ayaa aabaha waydiiyay: Maka warqabtay inay NAV balan ku laheyd?

Aabaha ayaa ku jawaabay inay usii sheegtay maalmo kahor, balse uusan ogeyn saacada ay balantu tahay ilaa uu ka warhelay hooyada oo guriga ka baxday.  Aabaha ayaa sidoo kale sheegay inuusan ka xanaaqsaneyn markaas in hooyadu ay baxday, balse uu ka xanaaqsanaa inuu hurdada iska celin kari waayay, markii danbena uu seexday joodari dhulka yaaley, gabadha yar agteeda.  Isaga oo sidoo kale sheegay in dhowr mar oo hore uu gabadhiisa kaligiis hayay.

Hooyada iyo aabaha gabadha dhaley ayaa lagu soo dacweeyay inaysan gabadha yar ee dhaawucu soo gaaray aysan siin caawintii ay u baahneyd markaas. Gabadha yar ayaa legevaktaha la geeyay maalin iyo bar kadib markii uu dhaawacu soo gaaray, iyadoo uu markaas uu xaalkeedu uu marayay meel halis ah sida ay sheegeen dhakhaatiirta gabadha qaabishey, oo markii danbena ku wargeliyay arinta gabdha booliska iyo barnevernka.

Hooyada gabadha dhashay ayaa sheegtay in gabadheedu ay caafimaad qabtay marka ay guriga ka baxday aroortii, balse markii ay soo noqotay oo ay aragtay xaalka gabadha ay damacdey inay legevaktaha horey ka gayso. Waxaana sida ay sheegtay arintaas ka hor istaagay aabaha uu ka cabsi qabay in booliska ama barnevernku ay arinta soo dhaxgelaan.  Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay la hadleen dhowr qof oo qaraabo ah oo ay hooyadu la xiriirtay si ay aabaha uga dhaadhiciyaan in gabadha yar dhakhtar la geeyo. Iyaga oo ugu danbeyn ku heshiiyay in gabadha dhakhtar la geeyo, hooyaduna ay sheegato inay iyada gabadha dhaawaca soo gaarsiisay. 

Aabaha gabadha dhaley ayaa sheegay inuu ka shaleynayo in uu horistaagay in gabadha yar la geeyo isbitaalka si deg-deg, isaga oo intaas ku daray in hadii uu ka warqabi lahaa in gabadha uu dhaawac sidaas u weyn madaxa kasoo gaaray in isaguba ula carari lahaa isbitaalka. 

Qoyska soomaalida ah ayaa degenaa xaafada Sandaker ee magaalada Oslo, iyada aabaha gabadha dhaley uu haysto dhalashada wadankan, halka hooyadu ay wadanka timid sanadkii 2014.

Xigasho/kilde: Dagbladet 1, Dagbladet 2, Dagbladet 3 

[adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x