torsdag, april 25, 2024

Skatte-etaten:182 milyan NOK ayay soomaalida Norwey u dirtay Soomaaliya sanadkan 2016

Sanadkii 2014 ayay ahayd markii waaxda canshuuraha(Skatte-etaten) ee wasaarada maaliyada Norwey ay la wareegtay mas-uuliyada diiwaan galinta lacagaha soo galo ama ka baxa wadankan Norwey. Skatte-etaten ayaa wixii markaas ka danbeeyay bilowdey inay sanad walba sameyso diiwaan cusub oo ku saleysan dalalka ugu badan ee loo diro lacagaha ka baxa Norwey. Soomaaliya ayaa sanadkii sadexaad oo isku noqotay wadanka 2-aad ee loo diro lacagta ugu badan ee Norwey ka baxa, waxaana ka horeeyo oo kaliya wadanka Pakistan. 7-dii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2016 waxay jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey wadankii u direen lacag kor u dhaafayso 182 milyan oo lacagta kronka norwiijiga ah(NOK). Listaha hoose fiiri.

3003020

[adsenseyu1]

Thomas Aleksander Ege oo ah talobixiye ka tirsan qaybta xiriirka ee waaxda canshuuraha ayaa sheegay in lacagta Soomaaliya loo diro oo ay kor u kacday 150 milyan tan iyo sanadkii 2014. Taasna ay keenayso inay kor u qaadeen diiwaan galinta ay waaxdu diiwaan galiso lacagaha wadanka ka baxa guud ahaan, iyaga oo adeegsanaya xawaaladaha lacagta lagu dirsado.

Thomas ayaa sheegay in lacagta ay soo bandhigaan ay tahay tirada lacagta ay usoo gudbiyaan shirkadaha ogolaanshaha u haysto inay lacago diraan. Sidaas darteedna ay jiri karto lacago kale oo wadanka ka baxa, iyada oo skatte-etaten aysan diiwaan galin ama ka warqabinba.

Warbaahinta Norwey qaarkeed ayaa durba bilaabay inay si qaldan u adeegsadaan liiskan ay soo bandhigtay hay-ada canshuuraha, iyaga oo calaamad su aal saaraya meesha ay ajaaniibtu ka keenaan lacagaha intaas le-eg oo ay wadanka ka saaraan. Iyo sababta keentay saboolnimada caruurta ajaaniibta, maadaama ay waalidkood lacag intaas dhan dibada u diraan.

Xigasho/kilde: Nettavisen, MSN [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x