tirsdag, april 23, 2024

11 milyan NOK oo ay leedahay xawaalad soomaali ah oo lagu qabtay Gardermoen, iyo booliska oo ka shakisan in lacagtan aan canshuur laga bixin

Ilaalada garoonka diyaaradaha diyaaradaha Gardermoen ayaa sheegay inay qabteen lacag ku jirto baco oo gaarayso 11 milyan, lana rabay in wadanka laga bixiyo loona diro Ingiriiska. Sida ay sheegeen booliska waxaa lacagtan lala xiriirinayaa urur soomaali ah oo lagu magacaabo Somali Remittance Service, kana shaqeeyo xawaalad. Booliska ayaa intaas ku daray in ururkan soomaalida ah hada lagu oogay dacwad ku saabsan inaysan bixin canshuur gaarayso malyan iyo dheeraad ah. 

Ilaalada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in lacagtan ay tahay tii ugu badneyd abid, oo ay halmar isku meel ku qabtaan. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay su-aal ka keeneen sababta keentay in ururkan soomaalida ah ay rabeen in lacagtan iyada oo cadaan ah wadanka ka bixiyaan, maadaama Norwey iyo Ingiriiskaba ay leeyihiin bank-system lacagaha  lagu kala dirsan karo. Arintaasna ay keentay shaki sababay in baaritaan lagu sameeyo ururkan.

Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen goobta ay ururkan ku shaqeeyaan, iyaga oo halkaas ka helay lacago kale oo cadaan ah iyo diiwaano magacyo ah. Sidaasna ay ku ogaadeen in ururkan uu ka shaqeeyo xawaalad, isla markaana uu lacag boqolaal milyan ah u diro wadanka dibadiisa. Waxaana hada lagu soo oogay dacwad ah inaysan canshuur(skatt) ka bixin khidmada/dulsaarka  ay qaadan jireen si ay lacagahaas u diraan. 

Qareenka u doodaya ururkan soomaalida ah oo lagu magacaabo Somali Remittance Service ayaa NRK u sheegay inuusan ku qanacsaneyn sida ay booliska wax u dhigayaan. isagoo intaas raaciyay in ururkan ay sheegeen inaysan wax lacag ah aysan ka shaqeysan jirin lacagta ay diraan, isla markaana aysan canshuur ku waajibin. isagoo intaas raaciyay in Lacagta ay ururkan diraan ay wax badan ka yartahay lacagta ay boolisku sheegayaan.  Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in kiiskan uu yahay mid hada bilow ah, isla markaana uusan bixin karin macluumaad dheeri ah.

Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir la sameysay Ahmed Cawad Ismaaciil oo ah gudoomiyaha shirkada dahabshiil Norwey , bal si aan u waydiino inuu faah-faahin dheeri ah naga siiyo arintan. Axmed Cawad ayaa sidoo kale  ah maamulaha ururkan lagu magacaabo Somali Remittance Service.

hqdefaultAdeer waa intaas uu lowyerkeenu sheegay. waxaan kaliya oo kuugu dari karaa  in lacagtan aysan aheyn mid sharci daro ah, oo aan wadanka tahriib ahaan uga saari rabney. Waxay ahayd lacag la yaqaan ay labo shirkadood oo internatiol ah oo ku kala yaalo labada wadan ay isu gudbinayeen. Hadey tahay lacag sharci daro ah ama tahriib, miyaan intaan shirkad kale u dhiibno, garoon caalami ah ka dhoofin laheyn. Wax dhib ah ma jiraan, waan isku kalsoonahay, waxaan qarineynana meesha ma yaalaan.

Xigasho/kilde: NRK [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x