Farmashiiste Kassim: Talaabooyinkan samee marka aad farmashiyaha kasoo adeeganeysid.

0
156
Sh Qaasim Mohamed: Qoraha maqaalkan.

Maqaalkan waxaa Qoray Kassim Mohamed Adan oo ah Farmasøyt ama Farmashiiste(Daawo-yaqaan).


Farmashiyaha wuxuu ka mid yahay goobaha bulshada muhim u ah oo ageegyo aan laga maarmin bulshada u gudbiya. Taasi ayaa waxay keeneysa in mas`uuliinta xukuumadu iyo maamulka qaran ee caafimaadka ay si khaas ah diirada u saaran sidii looga ilaalin lahaa inay xirmaan.

Cudurka Covid-19 wuxuu sababay isbedelo in lagu soo rogo qeybaha kala duwan ee adegyada bulshada. Farmashiyooyinka ayaa ayaguna shuruuc hore looga aqoon, dhaqan galiyay mudada lagu jiro xaalada deg dega ah.

Si kooban ayaan halkan kuugu soo gudbinaya habka aad uga edeegan kartid farmashiyaha ,marka aad u baahantahay inaad daawooyin soo iibsatid.

  1. Lama ogola inaad tagtid farmashiyaha hadii aad la xanuunsaneysid hergeb ama aad isku aragto calaamadaha Covid-19. Qof kale, sida deriskaaga, saaxiibkaaga ama taxi u dirso si ay farmashiyaha kaaga soo adeegaamn. Haddad u baahantahay daawooyin rijeeto(Resept) ubaahan waa inaad siisa qofka aad dirsaneysid ogolaasho iyo macluumaadkaaga.
  2. Waxaa farmashiyaha loo ogolyahay uga badnaan 5 qof inay gudaha u galaan markiiba. Siday u kala weynyihiin ayay uga kala duwanaan karaan arintan.
  3. Haddii 5 ruux ay kujiraan banaanka waa inaad kusugtaa ilaa aad ka heleysid fursad. Intaad sugeysid waa inaad ka foogaatid uga yeraan 1-2 meter dadka kale oo kula sugaayo.
  4. Waxaa lagu soo rogay xadidaad qiyaasta aad gadan kartid sabaabo la xiriira ka hortagga keydsashada dawooyinka. Daawooyinka qaar oo looga talagalay cudurada raaga sida dhiig karka, sokorta, wadna xanuunka – waxaad iibsan kartaa keliya intii aad isticmaali laheyd muddo kooban. Daawooyinka sokorta sida insulin iyo Metformin waxaa la bixiya keliya isticmaalka hal bil.
  5. Daawooyinka aan jijeetada laheyn (reseptfritt legemidler) lama ogola inaad iibsatid in ka badan 1 baako noociiba, mid dadka waaweyn iyo mid baako caruurta.
  6. Farmashiye kasta waxaa loo sameeyay calaamado (skilt) oo ku hago. Shaqaalaha farmashiyaha waxay diyaar u yihiin inay faahfaahin dheeraad ah iyo talo bixin ay kusiiyaan. Waa muhim in la raaco shuruucda cusub oo ka hirgalay farmashiyooyinka. Haddii is mandhaaf uu dhaco, waxaa suurta gal ah in dibada laguu saaro ama booliska laguu waco.
  7. Lacag kaash ah waa laiska yereeyay oo waxaa la isticmaala bankkort sababo la xiriira xakameenta fidida cudurka Covid-19.
  8. Farmashiyaha inaad dhex joogtid mudo dheer lama ogola – waxaad u baahantahay keliya ku ekaaw. Laguma sheekeysan karo.

Waxaad ka heli karta faafaahin dheerad ah:

https://www.fhi.no/publ/eldre/helsetjenester-i-apotek/

https://www.apotek1.no/lungesykdommer/koronavirus

https://www.apotek.no/korona

https://www.vitusapotek.no/sykdom-og-plager/infeksjoner/hva-er-koronavirus-%28coronavirus%29%3F/a/A299001

https://www.dittapotek.no/c/viktig-informasjon-om-koronaviruset/a/A324001

https://www.boots.no/content/koronavirus

F.G: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner) bogeena Youtube-ka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments