torsdag, mars 28, 2024

R.W Khaire: Waxaa la dagaalanka Covid-19 kala hadlay wasiirka A.D Norway.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Soreide ayaa maanta yeeshay kulan dhanka internet-ka ah (video conference). Waxeyna labada masuul sheegeen inay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal, dadaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale.

Ra’iisul Wasaaraha Jahuuriyadda oo dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka Barta Go’aanka (decision Point).

Ine Eriksen Soreide oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guusha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Norway ayaa qayb ka ah waddamada dowladda Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x