UK oo bilaabi doonto nidaam cusub oo visaha ah(dal kugal).

0
181
Priti Pate: Wasiirada arimmaha gudaha UK

Priti Patel oo ah wasiiradda arrimaha gudaha dalka Ingiriiska, ayaa sheegtay in dalkeedu uu bilaabi doono nidaam cusub oo lagu kala saarayo dadka soo codsado dal ku galka (Visaha) Ingiriiska.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dalkeedu uu qaadan doonto oo kali ah dadka aqoonta sare ee jaamacadeed leh, isla markaana si fiican uga hadla luuqada Ingiriiska. Ama heysta shahaadooyin sare oo jaamacadeed, taas oo la xiriirta xirfad ama aqoon UK looga baahanyahay.

UK ayaa sheegtay inay ogolaan doonaan oo kali ah inay dal ku gal siiyaan dadka ugu aqoonta badan, uguna tayada badan kumanaanka qof ee soo codsado visaha. Aysana viso siin doonin dadka aan laheyn aqoonta sare ee jaamacada ama xirfad looga baahanyahay dalkaas.

Priti Patel ayaa shirkadaha shaqooyinka bixiya ka codsatay inay joojiyaan soo dhoofinta shaqaalaha ajaaniibta ah ee leh aqoonta hoose, taas badalkeedana ay xoojiyaan shaqaalaha madaniga ah(lokalka ah), ama ay keenaan mashiino shaqo oo cusub.

Xisbiga shaqaalaha UK ayaa ka digay sharcigan cusub, isaga oo sheegay in UK ay u ekaan doonto meel aan shaqo loo soo doonin karin ama aan xiiso laheyn.

Xigasho/kilde; Nye britiske visumregler – vil velge på øverste hylle

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments