RW Hore ee Soomaaliya oo Oslo buug kusoo bandhigay.

0
155

Reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahaana madaxweynihii ee maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa sabtidii magaalada Oslo kusoo bandhigay buug uu ka qoray xaaladii kala guurka aheyd ee xiligii uu ahaa reysulwasaaraha Soomaaliya.

Daahfurka Buuga Cabdiwali Gaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal katirsan soomaalida Norway, wuxuuna Cabdiwali si fiican uga sheekeeyay dhacdooyin muhiim ah oo xiligaas qabsaday iyo aragtidiisa ku aadan guud ahaan taariikhda iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Dadka joogay kulanka daahfurka buuga Cabdiwali Gaas ayaa u badnaa aqoonyahanada soomaalida Oslo iyo ardeyda jaamacadaha Norway. Waxaana sidoo kale joogay goobtaas inta badan siyaasiyiinta soomaalida ah ee kujiro heerarka kala duwan ee siyaasada dalkan Norway.

Abdiwali Gaas ayaa Soomaalida Oslo uga mahadceliyay sida balaaran oo ay uga soo qeybgaleen furitaanka buugiisa ee Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments