Norway oo sanadkan 2020 soo qaadan doonto qoxooti ay soomaali kujiraan.

0
86
Foto:Jim Mone/AP

Dowlada Norway ayaa miisaaniyada sanadka 2020 ku darsatay inay soo qaadan doonaan, dib u dajina u sameyn doonaan 3000 oo qoxooti ah, kuwaas oo ay kasoo qaadan doonaan xeryaha qoxootiga caalamka.

Hey´addaha qoxootiga ayaa dowlada Norway ugu baaqay inay dib u dajin u sameyso qoxooti gaaraya 5000, maadaama ay Norway leedahay awood balaaran oo dib u dajinta qoxootiga ah, ayna hoos u dhacday tirada dadka qoxootiga ah ee Norway toos magangalyada usoo sameysanaya.

Balse xisbiyada afarta ah ee bahwadaagta ku ah xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg ayaa ku heshiisay inay tirada qoxootiga ay Norway soo qaadaneyso sanadka 2020 aan laga badin 3000.

Qaabkan ayay sadexda kun u qeybiyeen.

Sadexda kun ee Norway ay qorsheysay inay sanadkan soo qaadaneyso ayay u kala qeybiyeen sidan:

750 kongo u dhashay oo ku sugan dalalka Koonfurta Suudaan iyo Yugaanda.

600 oo wadamo kala duwan u dhashay, lagana soo qaadi xero kutaal dalka Rwanda oo lagu uruuriyay qoxooti laga keenay dalka Libya. Waxaa kamid ah 150 Kongo u dhalatay oo Rwanda ka diiwaan gashan.

350 oo isugu jiro qoxooti reer suudaan ah, Yeman iyo soomaalida Ethiopia.

200 oo Siiriyaan ah oo laga keeni doono dalka Lubnaan.

150 u dhalatay wadamada Kongo, Koonfurta Suudaan iyo Qoxootiga soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya.

150 oo ilaa hada banaan.

Dowlada Norway ayaa sidoo kale sheegtay in isku dar qoxootiga ay soo qaadaneyso ay soomaalidu yihiin kooxda ugu danbeysa ee muhiimada ay siinayaan.

Norway ayaa wali buuxin tirada qoxootiga ay sheegtay inay sanadkii hore soo qaadan laheyd.

Xigasho/kilde: Norge har nå valgt ut gruppene som skal få komme hit

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments