Sweden: Maxkamada sare ee socdaalka oo dhalashada Sweden u ogolaatay haweenay horey loogu diiday.

0
111

Maxkamadda sare ee socdaalka dalka Sweden ayaa laashay go’aammo diidmo ah oo horey ey u gaareen hey´addaha socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkaas.

Go’aankan ayaa la xiriiray haweenay soomaali ah oo codsatay dhalashada dalka Sweden markii ay buuxisay shuruuddaha helista dhalashada dalkaas. Laakiin waxaa la siiyay diidmo, maadaama lagu qabsaday in ay  cadeyn kari wayday da’deeda dhabta ah. Iyadoona kala qoratay laba taariikh dhalasho oo kala duwan sannadkii 2005 oo ay Viiso qaraabo salaan ah Sweden ku timid iyo sanadkii 2009 oo ay magangalyo ka codsatay dalkaas.

Wakaaladda socdaalka iyo maxkamada socdaalka ayaa isku raacay go´aanka ah in haweenaydan aysan xaqiijin da´deeda, aysana jirin sabab gaar ah oo loo tixgaliyo, isla markaana ay ku hesho dhalashada dalkaas.

Hase yeeshee maxkamadda sare ee socdaalku qaadatay go’aan midkaa ka duwan iyo in haweenaydaasi xaq u leedahay in la siiyo dhalshada Sweden, lagana daayo shuruudda ah xaqiijinta aqoonsigeeda, maadaama ay sameeysay wax walba oo awooddeeda ku xiran sidii ay ku caddeeyn lahayd.

Maxkamadda sare ee socdaalka ayaa caddeeysay in shaqadii diyaarinta ee sharciga muwaadinimada ay cadeyneyso suurtagalnimada in shuruudaha aqoonsiga la caddeeyo ugu horreyn laga daayo dadka iyagu aan haysan fursad ay ku caddeeyaan aqoonsigooda, tusaale ahaan waddammada uu nidaamkoodii buburey ama aan jirin.

Iyadoona ay maxkamadda sare ee socdaalku ula muuqatay in qiimeeynta guud ay haweeneeydaasi soo ban dhigtay sharraxaad la aqbali karo sababta ay da’aha kala duwan u sheegatay,iyadoona ku macneeysay in aan soomaaliya laga qiimeeyn da’da dhalashada, isla markaana loo dabaal degin, sidaa daraadeedna looga qaado shuruuddaasi. Dhanka kale waxay maxkamaddu caddeeysay inay haweenaydu soo buuxisay dhammaan shuruudihii kale sida ka dhowrsanaanta dembiyada iyo dhammaan shuruudihii kale ee qodobka 11 § ee xeerka dhalshada dalka u degsan.

Xigasho/kilde: Sveriges-Radio-Laanta afka soomaaliga

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments