Soomaalida Tromsø oo 82.500 kr ugu deeqay gurmadka Beledweyne.

0
102

W.Q: Mohamed Abdulkadir Dahir.

Soomaalida ku nool Magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalkan Norway ayaa lacag dhan 82,500 NOK oo u dhiganta $8,584 Us Dollar ku wareejiyey Guddiga Culumada ee gacanta ku haya Madjidka Nuur Al-Aqsa ee Magaalada Beledweyne. Lacagtan ayaan loogu talagalay in loogu gurmado dadka soomaaliyeed ee ay waxyeelladu kasoo gaartay Fatahaaddii uu dhawaan sameeyey webiga Shabeelle.

Deeqdaasi lacageed oo laga soo uruuriyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Tromsø ayaa loogu talogalay in lagu saacido dadka ay dhibaatadu saameysay ee ku nool xaafadaha Magaalada Beledweyne, waxaana guddiga Gurmadka ee Fatahaadaha ugu xilsaarnaa Magaalada Tromsø oo kaashanaya guddiga Masaajidka Al-Raxma si wadajir ah u go’aansadeen in lacagtaas ka timid soomaalida Tromsø lagu wareejiyo guddiga culimada ee Beledweyne gaar ahaa wadaada gacanta ku haya Masjidka Nuur Al-aqsa oo ay hormuudka ka yihiin Sheikh Mahad baryare Nuur, Sheikh abdullahi Farah Xiirey iyo Nuur Omar xaaji.

Deeqdaas lacageed oo inta badan juhdigeeda iyo uruurinteeda uu gacan ka geystay Maslax Cusman cali oo kamid ah guddiga Gurmadka reer Tromsø ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay guddigaas reer Beledweyne oo u badan culuma’udiinka Magaalada si ay ugu qeybiyaan dadka ay masiibadu saameysay oo ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadda webiga .

Dadka reer Tromsø oo badankood ah dadka qeyrka jecel ayaa garab istaag iyo taageero dhaqaale u muujiyey dadka ay musiibadu soo wajahdo ee ku nool gobollada kala duwan ee dalka waxaana lagu xusuustaa gurmadkii ay umuujiyeen dadka soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday qeybo badan oo dalka kamid ah.

Guddiga Gurmadka reer Tromsø ee howshaan ka qeybqaatay abaabulkeeda iyo in lacagta amaannada gaarto dadkii loogu talogalay :-

Moallim Hussein , Hassan Ceydiid, Ahmed Siraad, Maslax cusman, Abdikafi osman , Mohamed abdulkadir, Ali nur salad iyo Abdikafi abu dujana.

W.Q: Mohamed Abdulkadir Dahir.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments