fredag, april 26, 2024

Qaabkan ayay NAV ku ogaan jirtay meesha uu qofka lacagta ka qaata uu joogo.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta dalkan iyo guud ahaan wadankaba gilgilay fadeexada weyn ee kusoo baxday hey´adda NAV oo kamid ah hey´addaha ugu saameynta badan nolosha qofka Norway kunool.

Hey´addan ayaa si qaldan kiisas ugu furtay ugu yaraan 2400 qof, kuwaas oo 40 ka badan kamid ahna xabsi lagu xukumay. Waxaana lagu soo oogay danbi ah inay lacago NAV ka qaadan jireen, iyaga oo dalka ka maqan. Balse baaritaan kadib, ayaa la ogaaday inay NAV ku qaldaneyd arintaas, isla markaana in dadkaas loo xukumay danbi aysan galin. Halkan kasii akhri

Qaabkan ayay ku ogaan jireen meesha uu qofka joogo:

Dadka sida qaldan loo xukumay ayaa ah kuwo ay NAV kusoo eedeysay inay lacag ka qaadan jireen hey´addaas, iyaga oo wadanka ka maqan. Su´aal aad la isku weydiinayay ayaa aheyd, sida ay NAV ku ogaan karto meesha uu joogo qofka lacagta ama kaalmada dhaqaale hey´adaas ka hela.

Warbaahinta Norway ayaa baartay qaar kamid ah xukumada dadka maxkamada lasoo taagay, waxeyna baareen cadeymaha ay heyáddaas u adeegyay xaqiijinta meesha uu qofka joogo.

Waxaana ugu badnaa sadexdan siyaabood oo ay NAV ku ogaan jirtay meesha uu qofka hey´addaas taageerada dhaqaale ka helo joogo.

1: Cadeynta Dhaq-dhaqaaqa acounka bankiga(Kontoutskrift): Mid kamid ah Qaababka ugu badan ee NAV ay ku ogaan jirtay meesha uu qofka hey´addaas lacagta ka qaato joogo, ayaa ah inay fiiriyaan dhaq-dhaqaaqa acounka uu qofku ku leeyahay bankiga. Waxeyna tusaale ahaan fiirin jireen meesha uu qofka wax ka gatay, xiliga uu isticmaalay kaarka bankiga iyo waliba dalalka ay ku yaalaan dukaamada uu wax ka iibsaday.

NAV iyo hey´addaha kale ee dowlada ayaa xaq u leh inay fiiriyaan dhaq-dhaqaaqa bankiga qofka, hadii uu yimaado shaki ku saabsan in qofkaas uu si qaldan u isticmaalo ama sifo aan sharci aheyn ku qaato kaalmada dhaqaale ee dowlada.

2: IP-Adresse: Dad badan oo NAV ka qaata kaalmo ama taageero dhaqaale, ayaa ku qasban inay labadii isbuucba mar diraan kaarka loo yaqaan «Meldekort». Oo ah is diiwaangalin uu qofku ku sheegayo xaaladii uu ku sugnaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay, iyo waxa uu qabanayay.

Mid kamid ah Cadeymaha ugu adag ee NAV ay u adeegsatay dadka la xukumay, ayaa ah inay fiiriyaan IP-adresska uu qofku kasoo diray kaarka «MELDEKORT-KA». Farsamo yaqaanada iyo baarayaasha dhinaca IT-da ee hey´addan la shaqeeyo, ayaa ogaan karo meesha uu qofku ku sugnaa xiliga uu soo diray «meldekortka». Waxeyna ogaan karaan hadii uu qofku ku sugnaa wadan dibadda ah, marka uu kaarkaas kasoo diray webka hey´adda NAV.

3: Valutaregister: Qaab kale oo ay NAV ku ogaan karto meesha uu qofka hey´addaas lacagta ka qaata ku suganyahay ayaa ah hubinta keydka- Valuta-registerka.

Valutaregister ayaa ah diiwaan ay leedahay hey´adda canshuuraha Norway ee Skatt-etaten, waxaana lagu keydiyaa macluumaadka qofka ee la xiriira dhaq-dhaqaaqa lacageed ee wadanka dibadiisa. Keydkan ayaa waxa laga heli karaa lacagaha qofka Akoon ku leh Banki Norway kuyaal kasoo galay wadanka dibadiisa iyo kuwa uu u diray wadanka dibadiisa.

Waxaana sidoo kale keydkan laga heli karaa lacagaha uu qofka heysta kaar banki Norwiiji ah uu ku isticmaalay wadanka dibadiisa. Qaabkan ayaana ah qaabka ugu sahlan oo ay NAV ku ogaan karto goobta uu ku sugnaa qofka lacagta kaalmada ah ka qaato, xiliga uu qaadanayay.

Xigasho/kilde: Slik beviste NAV klientenes utenlandsopphold

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x