PST-da Norway oo xabsiga dhigtay, rabtana inay tarxiisho xagjire Mareykan ah.

0
97
Greg Johnson: Xagjiraha Norway lagu xiray. Foto: Liblog82, Wikimedia / CC-BY-SA-4.0

Hey´adda sirdoonka iyo nabadsugida dalkan Norway ee magaceeda loo soo gaabiyo PST, ayaa magaalada Oslo ka dhex qabatay nin katirsan kooxaga xagjirka midigta fog, una dhashay dalka Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Greg Johnson ayaa caan ka ah baraha bulshada, isaga oo qudbado naceyb ah ka jeediyo warbaahinta ay bulshada ku xiriirto. Wuxuuna Oslo u yimid ka qeybgalka kulan lagu casuumay oo uu ka hadli lahaa.

PST-da ayaa qabashada ninkan ku micneysay inuu saameyn xoog iyo cunfi wadato uu ku yeelan karo bulshada, isla markaana uu dadka hadalkiisa dhageysta ku dhiirigalin karo inay sameeyeen falal xagjir ah oo gacan ka hadal ah. Waxeyna PST-du sheegtay in xiritaanka ninkan ay uga dan leeyihiin in looga hortago falal xagjir ah oo Norway ka dhici karo.

PST-da ayaa dhanka kale sheegtay inay rabaan in ninkan sida ugu dhaqsada badan looga tarxiilo Norway, inta kahoreysana ay xabsiga kusii heyn doonaan.

Xigasho/kilde: PST om pågrepet amerikaner: Frykter påvirkning til voldshandlinger

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments