Oslo: Nin soomaali ah oo geeriyooday kadib markii uu kasoo dhacay dabaqa Oslo City.

0
137
Foto: Wikipedia

Booliska Oslo ayaa maanta barqadii bogooda Twitterka ku sheegay inay heleen fariin sheegeyso in nin labaatameeyo jir ah uu kasoo dhacay mid kamid ah dabaqyada sare ee senterka Oslo City, uuna soo gaaray dhaawaca xoogan.

Ku dhawaad saacad kadib ayay hadana Twitterka kusoo qoreen fariin sheegeyso in qofkii dabaqa kasoo dhacay uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, kahor inta aan isbitaalka lala gaarin.

Booliska ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo goob joob ka ahaa dhacdada uu ninkan dabaqa uga soo dhacay, waxeyna sheegeen in xiligaas ay senterka ku sugnaayeen dad badan oo ka adeeganayay. Aysana ilaa hada jirin wax fal-danbiyeed ah oo falkaas lala xiriirin karo. Waxeyna sheegeen inay wareysi la yeelan doonaan shaqaalaha Senterka iyo dadkii goob-jooga ahaa, si ay u xaqiijiyeen qaabka ay wax u dhaceen.

Wuxuu ahaa Soomaali:

Sida ay NorSom News xog ku heshay, ninkan maanta ku geeriyooday dabaqa Oslo City ayaa ahaa nin soomaali ah. Waxaana naloo sheegay inuusan reer Oslo aheyn, uuna kamid yimid deegaan Oslo ka baxsan.

Shilka geerida wiilkan ayaa sababay in senterka Oslo City uu maanta xirnaa saacado badan, waxeyna boolisku xireen ganacsigii halkaas ka socday, inta ay wadeen baarista falkan.

Boolisku wali ma xaqiijin dabaqa uu ninkan kasoo dhacay, balse dad la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu kasoo dhacay dabaqa afaraad.

Wixii kasoo kordho dhacdadan dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Oslo-Politi-Twitter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments