NRK: Waxaan «Innsyn» u helnay waraaqaha ay kala direen kooxaha isku heysta maamulka Tawfiiq.

0
101
Foto: Faksimile/NRK TV-Dagsrevyen.

Muuqaal baahiyaha dowlada Norway ee NRK, ayaa maalin kahor barnaamijika Dagsrevyen kusoo qaatay warbixin muuqaal ah oo ay ka diyaariyeen khilaafka ka dhaxeeyo soomaalida Oslo, kuna saabsan maamulka masaajidka Towfiiq.

Warbixinta muuqaalka(Linkiga Hoos ka daawo) ah ayuu NRK ku sheegay inay «Innsyn» u heleen waraaqaha ay xafiisyada dowlada u kala direen labada kooxood ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka Towfiiq.

Mid kamid ah waraaqaha oo cinwaankooda laga dhex arki karo muuqaalka, ayaa waxaa cinwaan u ah «Beskymringsmelding, Informasjon om fylkesmannens Tilsynsmyndigheter». Waxaana sida aad ka arki karo daqiiqada( 21.17 ) ee muuqaalka taariikhda la diray(la qoray) ay ku xusantahay 11.02.2019.

Waraaqaha ay kala direen soomaalida isku heysata maamulka masaajidka, ayaa sababay in xafiiska gudoomiyaha gobolku uu si kumeer gaal ah u joojiyo lacagtii taageerada dhaqaale ee masaajidka, taas oo sanadkii dhameyd 7,8 million kr. Towfiiq ayaa ah masaajidka islaamiga ah ee ugu weyn Norway, marka loo fiiriyo tirada xubnaha diiwaangashan oo ku dhow 8000.

NRK ayaa mar kale sheegay in khilaafka masaajidka Tawfiiq uu yahay mid ku saabsan arimo qabiil oo soomaalida dhexdeeda ah, iyaga oo warbixintooda ku wareysanayo Cabdi Siciid oo kamid ah siyaasiyiinta soomaalida ah ee xisbiga SV.

Labada kooxood ee soomaalida ah ayaa midkood ay sheegtay inaysan arintaas ka hadli karin ilaa uu go´aan kiiska ku saabsan gaaro xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo, halka mida kalena ay ay iska fogeysay in arinta khilaafka dhalisay ay ku saabsantahay qabiil.

Warbixinta muuqaalka ah ee NRK ayaa waxaa kujiro muuqaalo labo isbuuc kahor laga duubay masaajidka, kuwaas oo muujinayo is qab-qabsi iyo isku dhecyaac ka jiro gudaha masaajidka, xili la sheegay inay dhici laheyd doorasho. Muuqaaladan ayaa ahaa kuwo baraha bulshada lagu faafinayay labadii isbuuc ee ugu danbeeyay.

Dad badan oo muuqaalka ka dhex qeylinayo ayaa ku dhawaaqaya inay rabin labada kooxood oo is heysta midkood, ayna rabaan inay labaduba is raacaan.

Arintan khilaafka maamulka masaajidka oo markii hore u dhaxeysay labo kooxood oo soomaali ah, ayaa hada waxaa dhinacooda kasoo galay warbaahinta Norway, gaar ahaan NRK. Xafiiska gudoomiyaha gobolka ayaa isna dhankiisa laga sugayaa jawaab ku saabsan inay kala cadeeyaan maamulka saxda ah ee masaajidka, ayna kala saaraan kooxaha isku heysto masaajidka.

Halkan ka daawo muuqaalka: Moskestrid.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments