Sweden: Booliskii dilay wiilkan xanuunsan oo lagu waayay wax danbi ah.

0
86
Foto: Privat

Sadex katirsan booliska magaalada Stocklom ee dalka Sweden, kuna eedeysnaa dilka Eric Torell oo ahaa wiil 20 sano jir ah, oo maskax ahaan u xanuunsanaa, ayay maxkamada Stocklom ku weyday wax danbi ah.

Sadexdan sarkaal ee katirsan booliska ayaa isku dar 25 xabadood ku furay, kuna dilay wiilkan xanuunsan, oo xiliga la dilayay gacanta ku heystay biskoolada caruurta ay ku ciyaarto.

Sadexda booliska ah ayaa isku difaacay inay cod dheer amar ku siiyeen Eric, ayna ka codsadeen inuu biskoolada dhulka dhigo, balse uu dhankooda usoo taagay, xagoodana uu usoo dhaqaaqay. Waxeyna sheegeen in xiligaas ay dareemeen cabsi, ayna u qaataan biskoolad caadi ah, sidaas ah ay sameeyeen ka hortag.

Maxkamada ayaa go´aankeeda ku sheegtay inay adagtahay in la qiimeeyo qaabka ay wax u dhaceen xiliga uu dilku dhacay, ayna adagtahay in la helo cadeymo la hubo oo lagu beenin karo sharaxaada booliska. Waxeyna go´aankeeda ku sheegtay inaan la heyn cadeyn sax ah oo sadexda booliska ah danbiga loogu eedeyn karo.

Sadexda booliska ah ee dilka geystay ayaa tan iyo xiligii uu dilkaas dhacay laga fariisiyay shaqada maalinlaha ah ee booliska.

Hooyada dhashay Eric oo ah wiilka xanuunsanaa ee la dilay, ayaa sheegtay in wiilkeedu uu ahaa qof xanuunsan oo si arxan daro ah loo dilay. Waxeyna raacisay inay rajeyneyso in dhacdadan ay wax badasho, waxna ka bartaan booliska dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Politifolk frikjennes for drapet på Eric Torell (20)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments