Maxmada Oslo oo diiday codsiga hooyo Daacish katirsaneyd oo codsatay in la xiro.

0
137
Oslo Tingrett Foto: Wikipedia

Maxkamada Oslo ayaa diiday codsiga haweenay heysata dhalashada dalkan Norway, kana tirsaneyd kooxdii burburtay ee Daacish. Haweenaydan oo ah hooyo dhashay labo caruur ah ayaa codsatay in dowlada Norway ay xirto, si iyada iyo ilmaheedaba looga soo badbaadiyo xeryaha qoxootiga dalka Siiriya.

Mid kamid ah labada caruurta ah ee haweeneydan ay dhashay, ayaa ah wiila afar sano jir ah oo xanuunsan. Waxeyna horey u codsatay in wiilkeeda oo heysta dhalashada Norway loo soo qaado Norway, si uu u helo daaweyn caafimaad. Balse baarlamaanka Norway ayaa codsigaas diiday isbuucii lasoo dhaafay.

Hey´adda sirdoonka Norway ayaa horey haweeneydan ugu eedeysay kamid ahaanshaha kooxda Daacish, waxeyna ka diyaarisay dacwad ka dhan ah iyada iyo tobanaan kale oo Norway ka tagay, kuna biiray Daacish.

Haweeneydan ayaa dowlada Norway ka codsatay in la xiro, si loogu soo qaado, looguna maxkamadeeyo gudaha Norway. Isla markaana ay caruurteedu u helaan Xanaano, gaar ahaan wiilkeeda yar ee xanuunsan.

Maxkamada Oslo ayaa diiday codsiga haweeneydaas, balse qareenkeeda ayaa sheegay inay racfaan u qaadan doonaan maxkamada racfaanka Norway.

Haweeneydan ayaa dhanka kale sheegtay inay ka cabsaneyso in loo dhiibo dowlada Siiriya, laguna maxkamadeeyo Siiriya.

Waxaa xusid mudan in Norway ay horey haweeneydan ugu jeedisay in caruurteeda oo kali ah loo soo qaado Norway, si ay u helaan daaweyn iyo xanaano. Balse haweeneydan ayaa ku adkeysatay in iyada iyo caruurteedaba lasoo wada qaado.

Xigasho/kilde: Tingeretten avviste kvinnes begjæringen om å bli pågrepet og dermed utlevert fra al-Hol-leiren i Syria til Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments