Booliska Denmark: Waxaan qabanay 97 kiilo oo qaad ah.

0
126

Booliska dalka Denmark ayaa sheegay xuduudka ay la wadaagaan dalka Germany ku qabteen 97 kiilo oo qaad ah, mar ay baaritaan kadis ah ku sameeyeen mid kamid ah bussaska xuduudka labada wadan isaga gudba.

Booliska xuduudka Denmark ayaa sheegay inay daroogadan ku qabteen nin heysto dhalashada dalka Holland iyo nin soomaali ah oo dalka Holland degan.

Ninka heysta dhalashada Holland ayaa lagu qabtay 46 kiilo oo qaad iyo sadex boorso oo ku safrinayay, halka ninka soomaaliga ahna lagu qabtay 33 kiilo oo qaad ah.

Labadan nin ayaa labo maalin kahor lasoo taagay maxkamada magaalada Sønderborg ee dalka Denmark, waxaa kan soomaaliga ah lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ah, iyo in dalka Denmark uusan soo gali karin mudo lix sano ah.

Halka kan heysta dhalashada Holland la xiray afar isbuuc oo kumeel gaar ah, inta dacwadiisa laga soo dhameynayo

Qaar kamid ah warbaahinta Denmark ayaa qoreyso in ninka heysta dhalashada Holland ee daroogadan lagu qabtay uu asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya.

Xigasho/kilde: Khat og dopingmidler beslaglagt ved grænsen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments